Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Beesha Jawaari Kaliya Ayuu Ka Imaan Karaa Qofka Beddelaya

Xildhibaanka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil; ayaa kamid ahaa Mudanayaashii waday Mooshinkii ka dhanka ahaa Afhayeenkii Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ee Kolkii dambe is casilay.

Shaqsiga Xilkaan isku soo taagi karo waxa uu ku sheegay in shuruud ahaan ay hor taallo in uu kamid yahay Golaha Shacabka, sidoo kalana uu kasoo jeedo Beesha Xildhibaan Jawaari.

Xildhibaanka ayaa sheegay in awood qeybsiga lagu kala qaatay Hay’adaha Dowladda lagu qeybin doono, kaliyana Xilka looga wareejin karo kolka ay ku heshiin waayaan.

Dhanka kale waxa aan hordhignay hadii uu Xilka u tar-tamo qof ay isku heeb yihiim Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in labadooda ay Xilka ku weyn karaan, arrintaasina waxa uu ku tilmaamay in aanan isku xirneen, Labadaas mas’uul Xilkoodana aanan saameyn ku laheyn.

Waa uu sii hadlay waxa uuna tibaaxay in dadka Soomaaliyeed laga doonayo in ay ka fakiraan doorashada Xildhibaanada Soo socda ee la qorsheynayo in ay ku yimaadaan Doorasho qof iyo Codkii ah.

Shaqsiyaadka isku hayo Xilalka Hay’adaha Fulinta iyo Xeer dejinta ayuu ku sheegay in ay yaraadeen, taasina ay sababtay in Xukuumadda ay keento dad ka banaanka ah Golaha Shacabka.

Caqabadaha ugu weyn ee horyaalla Xukuumadda waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin Wasiirada, Wasiiro ku xigeenada iyo Wasiiro Dowlayaasha oo 90% laga keenay Banaanka, dhaliilaha loo jeedinaya ay wali taagan yihiin.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa laga doonayaa in uu gudoomiye cusub doorto muddo ku siman 15-Maalin oo ka bilaabaneysa Maalintii uu Xilka iska Casilay Gudoomiyihii Golaha Shacabka.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madaxweyne farmaajo maxaa la gudboon hadii mooshin laga gubiyay xilka looga qaadayo?
- Dec 10, 2018
Madaxweynaha somalia maxamed cabdulaahi farmaajo waxaa la gudbiyay mooshin xilka looga qaadayo waxaana jira ...
DHAGEYSO:-Mooshinka laga keenay mdaxweyne farnaajo xalkee ayuu ku danbayn doona?
- Dec 10, 2018
Umadda Soomaaliyeed waxay baryihii danbe ka nasatay arimaha mooshinka iyo is qab qabsiga madaxda ...
DHAGEYSO:-Xildhibaan Saleebaan ‘Rajaddii shacabku qabeen way nusqaantay madaxweynuhu shaqadiisii wuu gabay”
- Dec 10, 2018
Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in Rajaddii shacabku u qabeen madaxweyne farmaajo aya ...