Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Cabdi Qaybdiid”Kuma Qanacsi Guddigii Madaxweyne Farmaajo U Xilsaaray Weerarkii Gurigayga Lagu Soo Qaaday”

Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa dooday Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ku tilmaamay falkii lagu weeraray Guriga Qeybdiid fal dambi ah oo laga galay qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in si deg deg ah Sharciga loo horkeeno cidii ka dambeysay Weerarkii lagu qaaday Xildhibaanada Gurigiisa, islamarkaana lasoo bandhigo baaritaanadii la sameeyay.

Sen. Qaybdiid ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada weeray gurigiisa ay ka soo baxeen Dugsiga Gen .Gordan Oo ah Xarun Ciidamada ay Imaraadka ku tababaraan.

Qeybdiid, waxaa uu Baarlamaanka ka codsaday in Sharciga la horgeeyo cidii weerarkiisa ka dambeysay, isaga oo soo jeediyay in Natiijada Baaritaanka la xiriira weerarka guriga lala wadaago baarlamaanka iyo shacabka.

Cabdi Qeybdiid oo goobta ka hadlay waxaa uu yiri “Gurigeyga waxaa lagu tuhmay in uu joogo ninkii hoggaaminayey qaraxii october 14”.

Waxaa uu sheegay in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, ay amarkan Gurigiisa lagu wareeray bixiyeen Ciidamada Imaaraadku tababaray weerareen Gurgiisa.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Siyaasi salaad cali jeele madaxtooyada somalia maxaa ka jira in uu lacag ka qaato si uu u tageero DFS ?
- Aug 18, 2018
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle  ayaa waxa uu ka hadlay taageerada uu siiyo dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:-Xildhibaano Katirsan Barlamaanka Puntland oo Hadda Mooshin Gudbiyey
- Aug 18, 2018
War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne Waare oo loogu baaqay in uu iscasilo
- Aug 18, 2018
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi ...