Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Dagaal Culus Oo Dhex Maray Ciidamada Jubbaland Iyo Al shabaab

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada hoose, ciidamada Jubbaland ayaa weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen deegaanka Wirkooy ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Wirkooy ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ciidanka weerarkan qaaday ayaa ka ambabaxay deegaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada hoose oo qiyaastii 30-KM u jirta deegaanka Wirkoy.

Dagaal culus oo halkaasi ka dhacay ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, sida ay ku soo waramayaan Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland oo ku sugan deegaanka Buulo gaduud.

Inta la xaqiijiyay Shan ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa halkaasi ku geeriyooday, sidoo kale waxaa jira khasaare dhaawacyo ah oo dhinacyada soo kala gaaray.

Weerarka oo ahaa mid kadis ah ciidamada Jubbaland waxa ay la eegteen Saldhiga ciidamada Shabaab ee deegaanka Wirkoy, inkastoo Shabaab ay iska caabiyeen dagaalka kaga yimid dhanka Al Shabaab.

Ciidamada Jubbaland ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka Wirkoy ee Gobolka Jubbada hoose, iyadoo Al Shabaab lagu soo waramaayo inay isaga baxeen gudaha deegaankaan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Halkii Gabar ee Ku jirtey Barlamaanka Puntland oo shaacisay war la yaab noqday
- Jan 16, 2019
Maalinkii ugu dambeeyey ee bishii 9aad ee sanadkii dhammaaday ayaa waxaa lagu dhawaaqay xubnaha ...
Akhriso:-Wasiir Qarjab oo Digreeto Soo Saaray & halka ay ku socoto
- Jan 16, 2019
Dagaal dhanka warfidiyeenka ah ayaa ka dhex qarxay ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP iyo ...
DHAGEYSO:-Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay odayaasha dhaqanka ee kunool Dhoobley
- Jan 16, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa deegaanka Dhoobley kula kulmay Odayaasha dhaqanka ...