Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweyne Farmaajo Oo Shaqa Maalmeedkiisa U Wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Mudane Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa shaqo maalmeedkiisa u wareejiyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/laahi (Farmaajo) oo maanta booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa halkaasi kulamo kula soo qaatay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi ku soo dhaweeyey.

Booqashada Madaxweynaha ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya waxaa ku wehlinayay Wasiirka Difaaca Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedada ayaa ah sidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya Maxamed C/llaahi (Farmaajo) uu u dhiiro gelin lahaa dardar gelinta howlgalada Millitari ee ka dhanka ah xoogaga ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa horey xafiis uga furtay xarunta Wasaaradda Difaaca Dalka, halkaasi oo dhowr jeer uu ku gutay shaqo maalmeedkiisa, waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaalo lagu dhiiro gelinayo Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Federalka ayaa wada qorshe Dagaal oo ku jeeda ururka Al-shabaab, kaasi oo looga saarayo degaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin dalka, iyada oo la kaashanayo Ciidanka Amisom iyo kuwa Mareykanka.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    1977 MAXAMED CALI SAMANTAR. ALLAHA U NAXARIISTEE, DAGAALKII SOOMAALI GALBEED LAGU XAREEYNAAYAY! JIGJIGA8 AYAA XARUN U AHAYD OO UU DAGAALKA KA HOGAAMINAAYAY??

    FARMAAJO. waxaa ku haboonayd in uu xarun kadhigto MAGAALADA (GODEEY) OO UU DAGAALKA ITOOBIYA DALKA LOOGA *XOREEYNAAYO* HALKAAS KA HOGAAMIYO?




ad

Latest News

MUUQAAL:-Jaaliyadda Soomaaliyeed gobolka Minnesota oo ka banaan baxay war uu siidaayay Tv ga Fox News
- May 22, 2018
aaliyadda Soomalaiyeed ee Minnesota oo ka jawaabayay warbixin uu sii daayay Telefishinka FOX 9 ...
Ururka daacish oo dil ay duubeen ka geystay magaalada Muqdisho
- May 22, 2018
Ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar  ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga suuqa ...
SAWIRRO:-Guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha oo Milyan doolar gaarsiinaya Deegaanada Fatahaaduhu saameeyeen
- May 22, 2018
Gudoomiyaha guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ...