Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ciidamada Itoobiya Oo Dagal Ku Qaaday Dad Shacab Ah Oo Ku dhaqna Xudduudka Ay Wadagan Dalka Kenya Iyo Itoobiya

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay dad shacab ah ku laayeen magalada Mooyaale ee u dhaxeysa xuduudka Itoobiya, Kenya.

Gobgogayal anu laxarirnay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Itoobiya e dileen ilaa 15 qof oo la sheegay inay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF iyo mucaaradka Oromada ku kacsan dowladda Itoobiya.

Sido kale Dhacdadan ayaa la sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku dhaawaceen 20 qof tiro gaaresa waa sida ay  noo xaqijiyeen dadka degaanka mooyale.

Taliyaha Militariga Itoobiya ee Ciidankaas haysta ayaa sheegay in ay iyagu heleen xog la xiriirta in Ururka OLF ay weerar ka dhan ah ka fulinayaan degaankaasi, ayna fuliyeen howlgalka dadka badan lagu dilay xogta la siiyayna ay ahayd mid khaldan.

Taliyaha Milatariga Itoobiya ee Ciidankaas heysta ayaa sheegay in ay iyagu heleen xog la xiriirta in Ururka OLF ay weerar iyaga ka dhan ah ka fulinayaan halkaas sidaasna ku qaadeen howlgalka ay ku dhinteen dadka rayidka ah.

Aschalew Yohannes, oo ah Guddoomiyaha Mooyaale ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira arrintan sida ay ku dhacday islamarkaana ay hay’adaha amaanka kala xisaabtamayaan leynta dadka rayidka ah.

Si kastaba ha noqotee arrintan ayaa waxey cabsi ku bertay shaqsiyadka mucaradka ku ah dowlada itoobiya e ku dhaqan dalka kenya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

TOPNEWS:-Dowladda Kenya oo Baareysa Siduu Baasa-boorkeeda Ku Helay Fahad Yaasiin
- Aug 21, 2018
Dowladda Kenya ayaa baaraysa siduu Taliye ku-xigeenka Hay’adda Nabadd Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin uu ...
DAAWO:-Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Magaalada Edmonton oo Shir Muhiim Ah Yeeshay
- Aug 21, 2018
Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee magaalada Edmonton oo shir muhiim ah isugu timid. Waxaa kulan ...
Akhriso:- Taliyihii Laga Soo Celiyay Magaaladda Kismaayo Oo Xabsiga La dhigay
- Aug 21, 2018
Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa xabsiga u taxaabay nin sheegtay inuu yahay Taliyaha NISA ...