Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRADA:-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo degmada Boondheere ka furay Barnaamijka Waxbarashada dadka Waa-weyn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa degmada Boondheere ka furay barnaamij ku saabsan Waxbarashada dadka waaweyn oo lagula dagaalamayo jahliga.

Barnaamijkan oo muddo socon doona ayaa waxaa la rabaa in laga hirgeliyo dhammaan degmooyinka gobolka Benaadir, iyadoo qorshuhu yahay in dadka Caasimadda ku nool ay wax akhrin karaan waxna qori karaan.

Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado akhrinta iyo qorista afka hooyo iyo aqoonta dadka waaweyn ee waqtigu u saamixi waayay in ay maraan nidaamka waxbarashada aas-aasiga ah.

“Barnaamijkan wuxuu qeyb ka yahay qorshaha maamulka ee la dagaallanka jahliga, waxuu sidoo kale kor u qaadayaa in dadku wax akhriyaan waxna qoraan, taasina runtii waa lagama maar-maan. Waxaan aaminsannahay in waxbarashadu ay tahay asaaska lagu horumariyo dalka, waxaan kaloo aaminsannahay in waxbarashadu saldhig u tahay horumarka waara.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa xusay maadaama uu dalku u gudbayo marxalado kala duwan, gaar ahaan dhinaca siyaasadda, lana geli doono doorashooyin hal qof iyo hal cod ah loo baahan yahay in qofku wax akhrin karo waxna qori karo, sidaas daraadeedna ay rabaan xilli hore in la bilaabo barnaamijyada kor loogu qaadayo aqoonta bulshada.

Munaasabadda Daah furka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo dadweyne kale, iyadoo intii ay socotay munaasabaddu halkaas lagu soo bandhigay heeso iyo bandhigyo ka turjumaya dhaqanka ay caanka ku tahay degmada Boondheere.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Faah faahin ku saabsan xadhiga boqor buurmadaw iyo booliska oo ka hadlay
- Apr 20, 2018
Ciidamada amaanka soomaaliland ayaa boqor buurmadaw  ka qabtey Hotel Maansoor oo uu ku sugnaa ...
DHAGEYSO:-Qodobo laga soo saaray Shirkii Guddiyada Difaaca ee heer federaal
- Apr 19, 2018
Sii haya xilka gudoomiyaha golaha shacabka cabdi wali sheekh ibraahim Muudeey ayaa soo xidhay ...
VIDEO:-somaliland oo beenisey Heshiska berbera iney Somaliya wax ka saxeexdey
- Apr 19, 2018
https://www.youtube.com/watch?v=Q3bP45rjMZg&feature=youtu.be