Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Siyaasadda Soomaaliya & Qorshaha Puntland

Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii la socday ayaa ka qayb galay munaasabad casho sharaf ahayd oo gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan ( Yariisow ) u sameeyey Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya  iyo marti sharaf kale,casho sharaftaan oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee xamar ( EX UFFICIO GOVERNO  ) ayaa ahayd mid lagu soo dhaweynayey Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlay munaasabada kana jeediyey khudbad taariikhi ah ayaa ka hadlay  arimaha soomaaliya iyo waxyaabihii looga hadlay shirkii madasha amniga qaranka ee 10 bishaan lagu soo gabo-gabeeyey Muqdisho ayaa guul ku tilmaamay wixii kasoo baxay.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  ku dhiirigaliyey  gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho in uu ka shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa  bilicdii iyo quruxdii caasumadu lahan jirtay barisamaadkii.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    SHAQDII MADAXDA SOOMAALIYA WAXAY KUSOO URURTAY (CASHO SHARAF IYO QADO SHARAF)??

    WAAYAABE UMMADDA DHAQAALEHEEDII HADII *DIYAARADO LAGURAACO HOTEELANA LAGUDEGO) MAXAABA SOO HARAYA??

    DHULII SOOMAALI GALBEED WAXAA GO’AAN KAGAARAAYA’ UHURA KENYATTA IYO JERARAAL GABRE) WAXAY SHIR KUQABSADEEN NAIROBI)

    WAANA LABADA DOOWLADOOD OO KALA *GUMAYSTA SOOMAALI GALBEED IYO NFD. YAA U MATALAAYA DOWLADA SOOMAALIYEED??

    SABABTOO AH KENYA IYO ITOOBIYA “WASIIRO IYO MADAX SARSARE AYAA OOGA QAYBGALAAYA???

    LAAKIINSE DHINACA KALE (ONLF) AYAA KAQAYB GALAYSA?? ISKU MIISAAN MA’AHA LABADA DHINAC??

    UHURO WUXUU U XILSAARAY 8ODAYAAL NFD KASOOJEEDA OO WALIGOODBA KU HOO NOOLAA GUMAYSIGA KENYA? SIDA (YUSUF XAAJI) OO AH NIN KU HOOS DUQOOBAY AMA KU CIRAYSTAY!! ADOONSIGA KENYA HADANA WAABA NIN DUQOOBAY OO 90 JIR AH?? IYO *INA ILEY* OO AH KII GACANTIISA KU XASUUQAY KUMANAAN SHACABKA SOOMAALI GALBEED AH??

    LAAKIINSE *FARMAAJO MA OGA ARRINTAAS?? OO QADO SHARAF IYO CASHO SHARAF AYUU MUQDISH KUMASHQUULSANYAHAY??

    URURKA ONLF HAKA BAXAAN WADA HADALKAAN WAA MI DHABARJAB KU AH MUSTAQBALKA SOOMAALI GALBEED?? KENYA IYO ITOOBIYA LABADA DALBA HADA WAY BURBUREEN WAANA FOOWDO OO HESHIISKOODU MIRO DHAL MANOQONKARO??

    WAX SABAB AH OO LOOGU DEGDEGAANA MABA JIRTO?? MARKASTA OO AY GUUSHA IYO XORNIMADA SOOMAALI GALBEED SOO DHAWAATO QAS IYO LAB AYAA QOLO LATIMAADAA??

    WAA CEEB IN DHULKA SOOMAALIWEYN AMA SOOMAALI GALBEED AY MATASHO HAL BEEL??

    SABABTOO AH DHINACA KENYA IYO DHINACA IYO DHINACA ITOOBIYA IYO DHINACA ONLF’ KULIGOOD WAA HALQABIIL!! OO OGAADEEN AH??
    IYO DOWLADIHII GUMAYSANAAYAY?? AAWAY SOOMAALIDIIKALE?? WAXAASI WAA DULMI IYO DHAGAR AAD U WEYN?? AAD AYAAN U CITIRAAMAAYAA (ONLF) UNA TAAGEERSANAHAY HALGANKOODA’ LAAKIINSE SHIRKAANI WAA KHIYAANO QARAN IYO DHABARJABIN? EE SI DEG DEG AH OOGA BAXA??




ad

Latest News

AKHRISO:-Dawladda Fedaraalka Ah Oo Amar Ku Bixisay In Lasoo Xirxiro Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Muqdisho
- Feb 18, 2018
Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Fedaraalka ah ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho lagu kala iibsado ...
DAAWO MUUQAAL:-Diyaarad Ku Burburtay Dalka Iiraan Oo Ay Ku Dhinteen 66 Qof
- Feb 18, 2018
Lixdan iyo lix qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku ...
DHAGEYSO:-Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Oo Xiran Maalintii Labaad, Wax Ka Ogoow Sababta
- Feb 18, 2018
Waxaa maalintii labaad xiran suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana Arrintan ay ...