Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRADA:-Madaxda Qaranka oo Casho Sharaf Loogu Sameeyey Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii la socday ayaa  ka qayb galay munaasabad casho sharaf ahayd oo gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan ( Yariisow ) u sameeyey Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya  iyo marti sharaf kale,casho sharaftaan oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee xamar ( EX UFFICIO GOVERNO  ) ayaa ahayd mid lagu soo dhaweynayey Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlay munaasabada kana jeediyey khudbad taariikhi ah ayaa ka hadlay  arimaha soomaaliya iyo waxyaabihii looga hadlay shirkii madasha amniga qaranka ee 10 bishaan lagu soo gabo-gabeeyey Muqdisho ayaa yiri , ” aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaynaa cashadaan sharafta badan ee uu nagu casuumay saaxiibkay Cabdiraxmaan cumar cisman gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo intiina ka soo qayb gashay fanaaniinta murtida iyo madadaalada halkaan ka soo jeedisay , wax badan meeshaan ka oron maayo lkn waxaan ku faraxsanahay in aan caawa arkano fanaaniinteenii  Nakruuma iyo Hibo,  aragtidooda iyo imaatinkoodu wuxuu leeyahay dhadhan kaas oo ah xusuus  wanaagii dalkeenu lahaan jiray wayna ku mahadsan yihiin in ay dalka dib ugu soo laabtaan,dhanka kale waan garananaa sida ay u ekayd caasimada Soomaaliya wakhti hore wanaageedii iyo quruxdii ay lahayd, wajiga iyo quruxda guud ahaa Soomaaliya waa xamar haddii xamar hagaagtana dalka intiisa kale way hagaagasaa, yariisow wuxuu ka mid ahaa dadkii  ila soo shaqeeyey xiligii aan Ra’isul wasaaraha ahaa marka waxaan idinka codsanayaa in aad la shaqaysaan waa qof niyad wanaagsan, marka aad iyo aad baad u mahadsan tihiin cashadana waan ka mahad naqaynaa”.

Dhinaca kale dhammaan masuuliyiintii ka hadashay madasha ayaa ka hadlay qorshaha xasilinta amniga  guud ahaa Soomaaliya iyo sida lagu gaari karo  waxay madaxdu sheegeen in is afgarad iyo isu soo dhawaansho la dareemayo ayna madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS ku heshiiyeen in ay  si fiican ula shaqeeyaan Dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyey casho sharafta ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS ay ayagu horseed u yihiin hormarka iyo ka talo bixinta arimaha masiiriga ah ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in hadda la dareemayo isu soo dhawaansho iyo wadashaqayn fiican, wuxuu xusay in sanadkaan 2018 uu muhiim u yahay ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  ku dhiirigaliyey  gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho in uu ka shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa  bilicdii iyo quruxdii caasumadu lahan jirtay barisamaadkii.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland oo shaacisay natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka 12aad
- Jul 19, 2018
Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta waxa ay shaacisay natiijada ...
Asmara : dhacdo quluubta caalamka soo jiidtay .
- Jul 19, 2018
Saxafiga reer ethopia Addisalem Hadigu ayaa eritrea kula kulmay labo Gabdhoood oo u dhalay ...
DAAWO:-Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Sweden
- Jul 19, 2018
Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka BanaadirMudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalay ...