Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Beesha Kuumade Oo Kulan Ku Yeelatay Magaalada Muqdisho, Sheegtayna In Maamulka Jubbaland Uu Fashilmay

Beesha Kuumade Kablalax ayaa maanta kulan ay ku yeelatay magaalada Muqdisho ku  sheegtay in maamulka Jubaland ee uu hurmuudka Axmed Madoobe uu ku fashlimay hawlihii loo igmaday.

Kulankaan oo ay kasoo qayb galeen waxgarad, siyaasiyiin, odayaal, culamaa’uddiin, xildhibaano hore, haween, dhalinyaro ayaa waxaa dhamaantood ay cabasho weyn ka muujiyeen  maamulka sare ee Jubbaland.

Waxaa siyaasiyiintii kulankaan ka qayb galay ka mid ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta & isgaarsiinta ee dawladda fedaraalka Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga Xiis.

Waxgaradkii ka qayb galay kulankaan waxay sheegeen in 6-dii sano ee uu jiray maamulka Jubbaland aanay haba yaraatee jirin wax hagaagay inay wax badan halaabeen mooyee.

Waxaa kulankaan laga sheegay arrin aad u yaab badan oo ah in dadkii u dhashay Jubbaland laga tarxiilo deegaankooda, taasoo ay ku tilmaameen mid qarracan ku abuurtay oo  aanay marnaba aqbali karin.

Ma ahayn wax qoraal lagu wada xusi karo waxyaabihii kulankaan looga hadlay, hase yeeshee Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ugu dambayn kulankaan soo xiray ayaa halkaas ka jeediyay hadal kooban oo ku wajahan dhibaatooyinka waawayn ee ka jira deegaanada jubbaland iyo waxqabad la’aanta 6-dii sano ee uu jiray maamulka Jubbaland.

 

 

Daahir F. Afdheere

Email.owsame1@yahoo.com

——————————-

Saadaal.com

Saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Abdiyare says:

    ascm cilmoogoow waxaad tahay haad geedwaayay hurmarka jubbaland ayaad kaxuntahay waxaad kuriyooneeysana wax kuu suurtagalaaya majiro waxaad tahay cadawga jubbland waligaa hadana banaankaad iskeentay guul iyo midnimo jubbaland

  2. c/qani says:

    AXMED MADOOBE WAA MAQAARSAAR EE KISMAANYO WAXAA XUKUMA (KENYA IYO ITOOBIYA? ITOOBIYA HORAY AYAYAY UGASOO SHACABKA SOOMAALI GALBEED BARAKICISAY? JIGJIGA IYO DEEGAANADOODII OO DHAN. WAXAYNA ADEEGSANAYEEN MAAMUL BEEN BEEN AH. OO UU HOGAAMINAAYAY (INA ILEEY)

    HADANA WAXAY DOONAAYAAN IN AY MAGACA AXMED MADOOBE” MAGICIISA IYO MAAMULKIISA MAQAAR SAARKA AH KUXASUUQAAN SHACABKA JUBOOYINKA IYO KAN *NFD* HALAGA XOREEYO GOBOLKA AXMED MADOOBE. IYO CIIDAMADA SHISHEEYE EE XOOGA KUJOOGA JUBOOYINKA.

  3. Qaarcase ali says:

    Waxaa wax laga xumaado ah in laysu masaalo habeen iyo dharaar dadka axmed madoobe hada haysto ee wada us gaga ah xagay jireen markuu naftiisa iyo maalkiisa safka hore ku jireen teeda kale nin xilkuu ilaahay saaray gudan waayey oo ilmahiisii ooga cararay qurbo waa hunguri raadis ee ilaahay masuul noogama dhigo teeda kale cilmooge waxaan u haysanaa diyadii dawlad ku sheegii uu ka tirsanaa iooga laayeen kismayo ee uf ku dhaha calyada




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Taliye ku xigeenkii NISA oo xog xasaasi ah bixiyay kana hadlay shaqo joojintii lagu sameeyay
- Jul 19, 2018
Taliye xigeenkii hore ee hay’adda Nabad Sugidda NISA Ismaaciil Cismaan aya si faah faahsan  ...
DAAWO:-Magaalada Taageer ee Degmada Baargaal oo lagu caleema saaray Nabadoon C/laahi Nabadoon Caynab
- Jul 19, 2018
Magaalada Taageer ee Degmada Baargaal ee gobalka Gardafuu waxaa lagu caleema saaray Nabadoon Cabdulaahi ...
DHAGEYSO+SAWIRRO:-Xaflad lagu furayay Sanad Dugsiyeedka Iskuulka Agoonta oo lagu qabtay magaalada Caabudwaaq
- Jul 19, 2018
Xaflad lagu furayay Sanad Dugsiyeedka Iskuulka Agoonta ayaa lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee gobalka ...