DAAWO SAWIRRO:-Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Marxuum Gen. Saciid A. Yuusuf (Mariino) Oo Maxkakamadda Ciidamada Lasoo Taagay
Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo gudbiyay eedeen loo jeediyay eedeysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxmmed oo ahaa Taliayaha raxanta Doomaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed, waxaana eedda loo jeediyay ku xusnaa in uu dil barer ah u geystay AUN S/guuto Saciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ahaa EX Abaanduulihii Ciidamada Badda Soomaaliyeed.
G/sare Cabdi Naasir Xoosh Maxmmed oo ka jawaabayay eedda loo jeediyay ayaa waxa uu sheegay in uusan si ku tala gal ah u dilin Marxuumka balse ay kaga fakatay sida uu sheegay.
Dhinacyada dacwadda ee kala ah xeer ilaalinta iyo qareenada ayaa kadib dooda guda galay, waxa eyna xafiiska xeer ilaalinta ugu horreynba garsoorka weydiisteen in loo ogolaado in la dhageysto markaatiyeel goob-joog u ahaa wixii dhacay, waxa eyna dhammaan sheegeen in uu jiray muran ka hor inta uusan falka dilka ah dhicin, sidoo kale waxa ey xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen sawirro iyo documents muujinayo dhacdadan..
Qareenka U doodayay eedeeysanaha ayaa isna dhankiisa sheegay in eeysan diidaneen dilka balse badalkeed uu sheegay in uu jeclaan lahaa in eedeysanaha loo naxariisto oo uu bixiyo Diyo dhameystiran ..
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa iyana sheegay in ey tahay taariikhda markiii ugu horreysay oo dil bareer ah loo geysto Gen, waxa eyna garsoorka ka dalbadeen in dil toogasho ah lagu fuliyo eedeysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo ah eedeysanaha loo heysto dilka Gen, Saciid Aadan Yuusuf (Mariino)..
Ugu dambey, dhageysiga kiiskan oo sacada badan qaatay ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, waxa uuna u sheegay dhammaan dhinacyadii ka qeyb-galayay dhageysiga dacwaddan in go’aanka Maxkamadda eey dib ka soo saari doonaan…
18-01-2018, ayaa lagu dilay gudaha Dekadda Muqdisho Gen Saciid Aadan Yuusuf (Mariino).
ASC.
Maadaama la sheegay in ninka la dilay iyo kan wax dilay ay isku meel ka wada shaqeeyn jireen oo la yiri Murana wuu ka dhaxeeyey oo ay xamar wada joogeen waxay u dhawdahay in uu ninkaasu generaalka kas iyo maag u dilay.Waayo soomaaliya waliba koonfurta soomaaliya xiligaan dilku waa iska caadi oo waa no problem.Saas markuu xaal yahay labo arimood waa in midkood la raacaa.1.In dambiilaha la qisaaso oo loo dilo suu wax u dilay oo ay dilkaas fulisaa dawlada xamar.
2.In ay diyo kala qaataan labada beelood oo ay ka soo kala jeedaan labada nin.Ninka wax dilayna hadal la’aan laga tiriyo garaadaha dawlada oo uusan dib dambe uga mid noqon shaqada dawlada soomaaliya.
Asc hadii aan ka dhiibto fakar keyga gacan ku dhiiglaha diley sarkaalkii lashaqeyna yey hadey cadaatey inuu kas udiley Waxaan oran lahaa hala qisaaso no mag iyo wax la yiraahdo beeluhu hakala qaataan diyo