Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

8 Qof Oo Cudarka Shuban-Biyoodka Ugu Geeriyooday Degmada Buulo-Barde

Maamulka Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay Degmadaasi iyo sidoo kale deegaannada ku dhaw.

Cabdi Daahir Guure oo ah Gudoomiyaha Buulo-burde ayaa sheegay in 8 qof cudurkaasi ugu geeriyoodeen isbitaalka magaaladaasi, oo muddooyinkii dambe ay jiifeen.

Waxa uu tilmaamay Guure in sidoo kale ay jiraan dad kale oo iyaguna cudurkaan ugu dhintey deegaannada ku dhaw Buul-burde, hase ahaatee aan la ogeyn tiro ahaan inta ay la eeg yihiin dadkaasi.

“Xarumo caafimaad oo waaweyn maleh halkaan, 8 qof ayaa dhimatay, sidoo kale dad kale ayaa dhintay balse tiro-koob rasmi ah ma aynu hayno.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Buulo-burde.

Waxa kale oo jira wali dad badan inay la liitaan Cudurka Shuban biyoodka, kuwaasi oo yaalla Isbitaalka Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, Cabdi Daahir Guure ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’addaha Samafalka ah in gurmad caafimaad oo deg deg ah lasoo gaaraan shacabka ku dhaqan degmada Buulo-burde.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland oo shaacisay natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka 12aad
- Jul 19, 2018
Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta waxa ay shaacisay natiijada ...
Asmara : dhacdo quluubta caalamka soo jiidtay .
- Jul 19, 2018
Saxafiga reer ethopia Addisalem Hadigu ayaa eritrea kula kulmay labo Gabdhoood oo u dhalay ...
DAAWO:-Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Sweden
- Jul 19, 2018
Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka BanaadirMudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalay ...