Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

WAREEGTO:-Agaasimihii Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga Oo Xilka Laga Qaaday, Maxay tahay Sababtu?

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya ayaa lagu sheegay in Shaqada looga eryay laba kamid ah Masuuliyiinta Wasaarada.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda C/llaahi Xayir Ducaale iyo Agaasimihii Waaxda Ganacsiga C/qaadir Cismaan Maxamed.

Wareegtada ka soo baxday Maareeye ayaa lagu sheegay in Warqada shaqa ka Joojinta labadaa Masuul uu ku war galiyay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Sababaha soo dadajiyay inuu Shaqa ka joojintan sameeyo Isagoo Xafiiska fadhiya mudo ku siman bil ayuu ku sheegay iney tahay wax isdaba marin iyo Maamul xumo baahsan oo kajirta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya.

Qoraalka Wasiir Maareeye ayaa Eeda ugu badan waxa uu dusha uga tuuray Agaasimihii Guud ee Wasaarada C/llaahi Xayir Ducaale, Waxa uu degdeg ufaray inuu xilka ku wareejiyo Mudo ku siman 48 Saacadood, laguna arki Karin dhismaha Wasaarada Ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga ayaa si Kumeel gaar ah ugu Magacaabay Xilka Agaasimaha Guud ee Wasaarada C/Kariin Maxamuud Axmed, Waxa uu horay uhayay Xilka Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo Xiriirka Maamul Goboleedyada.

Sidoo Kale Axmed Cali Xasan ayaa Isna loo Magacaabay Agaasimaha Waaxda Ganacsiga ee Wasaarada.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Atoore says:

    ASC.
    Waa waajib in xilka laga qaado qofkasta oo musuq-maasuqay hawlaha iyo dhaqaalaha ummadda soomaaliyeed.Waliba qofkii ay ku cadaato in uu wax isdabo mariyey hala soo taago maxkamad an NAXARIIS LAHAYN oo deg-deg la marsiiyo waxuu mudan yahay.In Sha Allaah soomaaliya waa in ay ka baxdaa wax isdabo marinta iyo danaha gaarkaa ee laga hor mariyo kuwa dadweynaha.War illaa la arko wasiiro ama madax sare ee gacmaha la jaray soomaali ma daynayso laaluush bixin,qaadasho iyo musuq-maasuq.




ad

Latest News

AKHRISO:-Dawladda Fedaraalka Ah Oo Amar Ku Bixisay In Lasoo Xirxiro Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Muqdisho
- Feb 18, 2018
Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Fedaraalka ah ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho lagu kala iibsado ...
DAAWO MUUQAAL:-Diyaarad Ku Burburtay Dalka Iiraan Oo Ay Ku Dhinteen 66 Qof
- Feb 18, 2018
Lixdan iyo lix qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku ...
DHAGEYSO:-Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Oo Xiran Maalintii Labaad, Wax Ka Ogoow Sababta
- Feb 18, 2018
Waxaa maalintii labaad xiran suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana Arrintan ay ...