Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Muqtaar Roobow Oo Doonaya Inuu Dagaal Ku Qaado Alshabaab Iyo Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ka Hadlay

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha dhaq dhaqaaqa ah ee Wadaadka Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) uu ka wado degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi Aadan, ayaa sheegay in ay ka warhayaan dhaq dhaqaaqa Sheekh Muqtaar, waxayna tilmaameen in uu isku diyaarinayo dagaalka ka dhan ah Shabaab.

Wuxuu sheegay Roobow in ay masuuliyad ka saaran tahay sidii uu Shabaab ula dagaalami lahaa, maadaama uu ka soo jeedo degaanada Koonfur Galbeed, yaqaanana tabta loola dagaalamo Shabaab.

Dhanka kale C/risaaq Cabdi Aadan ayaa sheegay in ay wadaan qorshe mideysan oo dagaal ka dhan ah Shabaab, wuxuuna tilmaamay in hada ay dejiyeen istiraajiyadda dagaalka iyo qaabka loo wajihi lahaa.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayuu sheegay in ay ka sugayaan go’aanka ugu dambeeya ee Dagaalka loogu qaadayo Shabaab.

Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa tiro Saddex jeer ah waxa uu tagay magaalada Baydhao ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil Ciidan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland oo shaacisay natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka 12aad
- Jul 19, 2018
Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta waxa ay shaacisay natiijada ...
Asmara : dhacdo quluubta caalamka soo jiidtay .
- Jul 19, 2018
Saxafiga reer ethopia Addisalem Hadigu ayaa eritrea kula kulmay labo Gabdhoood oo u dhalay ...
DAAWO:-Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Sweden
- Jul 19, 2018
Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka BanaadirMudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalay ...