Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Maamulka Jubbaland Oo Caburin Ku Haya Saxaafadda Iyo Wariye Maalinkii Labaad Xabsiga Ugu Xiran

Ciidamada amaanka Maamulka Jubaland ayaa xabsi ku yaala Magaalada Kismaayo ku xiray Wariye Saabir Cabdiqaadir Nuur (Honest) oo kamid ah Suxufiyiinta ugu firfircoon Jubaland.

Wariyaha ayaa Xalay ku hoyday Xabsi ku yaala Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubaland, Waxaana socda dadaalo la doonayo in dib xoriyadiisa lagu siiyo.

Ciidamada Nabad Sugida Maamulka Jubaland ayaa Saabir Cabdiqaadir Nuur Duhurnimadii Shalay ka kexeystay Goob ay ka socotay Munaasabada Sanad guuradii Koowaad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, Wariye Honest ayaa markaa Su’aalo weydiinayay qaar kamid ah dadkii Munaasabada Joogay.

Cabdi Qaadir Nuur oo ah Aabaha dhalay Wariyaha ayaa Warbaahinta usheegay inuusan garaneyn sababta loo xiray Wariye Honesta, balse ay ogaadeen inuu Wiilkooda xabsiga ku jiro.

Jubaland ayaan wali ka hadlin Xariga ay ugeysteen Wariyahan Wakiil u ahaa Tv-ga Af Somaliga ku hadlo ee Somali Cable Xafiiskiisa Magaalada Kismaayo, Ciidamada Nabad Sugida Jubaland ayaa dhowr jeer oo hore xiray Wariyahan, Waloow markii danbe ay soo daayeen.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyaa iney caburiyaan Suxufiyiinta ka howlgasha Magaalada Kismaayo, Iyadoo dhowr jeer oo hore Magaalada ka masaafuriyay Wariyayaal badan.

HOOS KA DHAGEYSO

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

AKHRISO:-Dawladda Fedaraalka Ah Oo Amar Ku Bixisay In Lasoo Xirxiro Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Muqdisho
- Feb 18, 2018
Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Fedaraalka ah ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho lagu kala iibsado ...
DAAWO MUUQAAL:-Diyaarad Ku Burburtay Dalka Iiraan Oo Ay Ku Dhinteen 66 Qof
- Feb 18, 2018
Lixdan iyo lix qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku ...
DHAGEYSO:-Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Oo Xiran Maalintii Labaad, Wax Ka Ogoow Sababta
- Feb 18, 2018
Waxaa maalintii labaad xiran suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana Arrintan ay ...