Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweyne Farmaajo Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Dhiibistii Cabdikariin Qalbi-dhagax

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay muddo bilooyin badan ah kadib ka hadlay dhiibistii dowladda federaalka dhiibtay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, kaas oo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya oo raadinaysay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa su’aalo uga jawaabayay dhagaystayaasha BBC-da xili uu marti ku ahaa barnaamij looga hadlayay sanad kadib doorashadiisii iyo wixii u qabsoomay.

Mid ka mid ah dhagaystayaasha ayaa madaxweynaha weeydiiyay waxa uu ka ogyahay dhiibistii Qalbi Dhagax, wuxuuna ku jawaabay “Su’aashaasi runtii waa su’aal muhiim ah, waxaan ognahay in baarlamaanka ay ku sameeyeen dood, ayna kasoo saareen warbixin, ayna u codeeyeen, maxaa yeelay iyagu waxaa weeye, waa hay’adda ugu saraysa ee sharci dajinta, markay codeeyeene waxay gaareen go’aan, waxaan aaminsanahay in go’aankaasi uu yahay kama dambeys”.

Go’aanka Baarlamaanka muxuu ahaa?

Haddii aan dib idiin xusuusino, go’aanka baarlamaanka wuxuu ahaa in dhiibista Qalbi Dhagax ay ahayd arrin sharci darro ah maadaamaa dastuurka dalka uusan meelna kaga xusneyn in qof loo dhiibo dal kale, islamarkaasna uusan jirin heshiis dowladda ay la gashay mid kale oo ku saabsan dad la’isu wareejiyo.

Waxa warbixinta baarlamaanka ay farta ku fiiqday hay’adda NISA oo la sheegay in kaligeed ay maaraysay hawsha, aysan ka wargalinin hay’adaha garsoorka, islamarkaasna xog aan sugnayn la siiyay madaxda qaranka.

Marka laga tago tallooyin xukuumada loo jeediyay oo ahaa in wixii markaas ka dambeeya ay ka taxadarto tallaabooyinka ay qaadayso, islamarkaasna sharciga waafajiso, ma jirin wax qodob ah oo go’aanka baarlamaanka ku jiray oo lagu eedeynayay dadkii mas’uulka ka ahaa arrinta, iyo waliba qodob ay ciqaab ka dhalan kartay.

Sidoo kale ma jirin wax la faray dowladda oo ay tahay in ay fuliso oo ku jiray go’aanka, sidaas darteed lama oga waxa uu madaxweynaha ku qancay ee go’aanka baarlamaanka ka dhigay mid kama dambeys ah?.

Soo cusboonaysiinta qadiyadda Qalbi Dhagax

Arrinta Qalbi Dhagax ayaa todobaadyadan dib usoo cusboonaatay kadib markii uu waraysiyo warbaahinta siiyay taliyihii hore ee nabad suggida Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe oo la weeydiiyay wixii uu ka ogaa arrinta dhiibista ayaa diiday in uu ka hadlo, wuxuuna ku adkaystay in dhiibista Qalbi Dhagax ay ahayd arrin ku saabsan amniga Qaranka , islamarkaasna uusan isaga ka hadli doonin.

Madaxweyne Farmaajo ayaanan horey uga hadlin arrintan, inkasta oo uu jiray culees badan oo dowladda kaga imanayay xagga shacabka oo ku saabsanaa in ay ka hadasho.

Xukuumadda Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa horay u difaacday go’aanka dhiibista, sheegtayna in Cabdikariim uu ahaa nin argagixiso ah, laguna dhiibay heshiis labada dal dhexmaray.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Abdalla says:

    dowladda federaalka somaliya madaxwaynaha,raisulwasaaraha iyo golaha wasiirada,madaxa barlamaanka aqalka hoose iyo kansare,ayagaa looga fadhiyaa go aamada xasaaska ah ee la midka ah tan dalkeena ku dhiiqooday oo ah arinta wadani somaaliyeed oo loo gacan gashay cadow soo jireen ah oo neceb dalkeena iyo dadkeena.
    waanu ka xunahay arinta qabsatay wadanigaa somaaliyeed walina waxaanu leenahay dowladda federaalka waxaa ka saaran waajibaad ay kula soconayso arintiisa waayo waa wadani somaaliyeed,danbi kasta ha geesto inta uu xabsiga ku jiro caafimaadkiisa iyo tartiibtiisa waa in ay la socdaan dhibaatana aan loo geesan aan xabsiga ka aheen lana ogaadaa in la xakumay iyo on kale iyo muddada lagu xakumay.waa waajibaad saaran dowladda federaalka somalia.
    amuuraha kale ee waxwaliba nooga mahimsan oo dowladda looga fadhiyaa waa ilaalinta sharafta wadaniga somaliyeed ,xuduudaha dalka somaaliyeed bad iyo biri ,hawada somaaliyeed,dekedaha somaaliyeed,garoomada dayaaradaha ,iyo dhamaystirka argagixisada ,soocelinta ilihii dhaqaale ee uu dalka lahaa ,sameenta ciidan tayo leh ee badala ajnabiga daciifka ah ee dalka jooga.
    dhalinta oo shaqo abuur loo sameeyo sida ugu dhaqsaha badan.
    dowladaha dariska ah xuduuda ay ku soo durqeena si deg deg leh dowlada federaalka wax aga qabataa waana aan ka war sugaynaa talaabada ay ka qaado.
    wabilaahi towfiiq.




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Faah faahin ku saabsan xadhiga boqor buurmadaw iyo booliska oo ka hadlay
- Apr 20, 2018
Ciidamada amaanka soomaaliland ayaa boqor buurmadaw  ka qabtey Hotel Maansoor oo uu ku sugnaa ...
DHAGEYSO:-Qodobo laga soo saaray Shirkii Guddiyada Difaaca ee heer federaal
- Apr 19, 2018
Sii haya xilka gudoomiyaha golaha shacabka cabdi wali sheekh ibraahim Muudeey ayaa soo xidhay ...
VIDEO:-somaliland oo beenisey Heshiska berbera iney Somaliya wax ka saxeexdey
- Apr 19, 2018
https://www.youtube.com/watch?v=Q3bP45rjMZg&feature=youtu.be