Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Magaalada Balanbale Oo Ay Beelo Soomaaliyeed Ku Kale Saxiixdeen Hishiis Taarikhi ah iyo Magta 41 Nin Oo Lagu Kala Qaatay

Heshiis taariikhi ah ayaa magaalada Balanbale ee gobolka Galguduud ku dhex maray beelo Soomaaliyeed oo muddo qarni ah halkaasi dirir soo noqnoqatay ku dhexmaraysay, sida ay BBC-da u sheegeen odayaasha labada beelood.

Wariyaha BBC-da Xasan Geelle oo qadka taleefoonka kula xiriiray odayaasha ayaa waxaa marka hore u waramay Suldaan Cabdinaasir Xasan oo ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka ee heshiiska saxiixay, wuxuuna yiri suldaanka “Labadan beelood muddo dheer oo illaa qarni ah ayay dhibaatadan kasoo dhex jirtay, waxay colaadaha ka nasteen xiligii Maxamed Siyaad, markii ay meesha ka baxdayna bartii ayay kasii bilaabatay, balse hadda waan ka heshiinay”.

Labada beelood ayaa ku heshiiyay in wixii hadda ka dambeeya dhibaato kasta oo ka dhex dhacda ay la tiigsadaan diinta Islaamka, gaar ahaan dilka oo qofkii qof kale dila loo gacan galinayo reerkii uu wax ka dilay oo leh qisaastiisa.

Dad gaaraya illaa 41 nin oo labada beelood ay kala dileen ayaa lagu xisaabtamay, qoysaskii ay ka baxeene la siiyay xaqoodii.

Nabadoon Maxamed Daahir oo isna BBC-da u waramay ayaa yiri “hadda ka bacdi wixii dhaca, shareecada islaamka ayaan la tiigsanaynaa, wixii hadda ka hor dhacayna in dadkii laga sabarsiiyo”, wuxuuna intaas ku daray in ay suurtogal tahay in hubka laga dhigo dadka hubeysan, laguna wareejiyo dowladda.

Mar aan wax ka weeydiinay odayaasha sida ay u hirgalinayaan heshiiska ayay sheegeen in hadda ay dalka ka jirto dowlad federaal iyo mid heer goboleed ah, taas oo soo qaban karta qofkii dambi geysta, beelahana ay ka go’antahay in aysan hoosta ku heysanin qof dhib geystay.

Inkasta oo ay aad u yaraadeen dagaaladii beelaha Soomaaliyeed dhexmari jiray, ayaa haddane heshiiskan waxa uu ka dhiganyahay mid muhiim u ah nabadda Soomaaliya, wuxuuna soo afjarayaa colaad muddo dheer soo jiitamaysay, waa haddii la hirgaliyo.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    DEGMOOYINKAAN WAXAA FARAHA KULAJIRA CIIDAMADA ITOOBIYA. WAXAYNA SOO GALIYAAN HUB IYO MAANDOORIYE” WAXAYNA ISKU DIRAAN QABAA’ILADA DARISKA AH?

    WAXAA XAQIIQO AH INTA SOOMAALIYA CIIDAMADA ITOOBIYA LUGTA KULAJIRAAN IN AANAY NABADI KADHACAYNIN??

    SOOMALLIWEYNEY ITOOBIYA ISKA XOREEYA” DIINTA ALLAAHNA ISKU MAAMULA. WAAD LIIBAANAYSAAN AAKHIRO IYO ADUUNBA.

    DOWLADA MUQDISHO ITOOBIYA AYAA WAX U YEERISA EE HA ISKU HALAYNINA?

    FARMAAJO IYO KHAYRE” CIRKA IYO DARUURAHA DHEXDOODA AYAA ARGAGGIXISO KA RAADIYA LAGUYIRI WAYNA RAADINAAYAAN????? ILAA AY GACANTA KUSOO DHIGAAN??

    LAAKIINSE WAA UN RAG LA WAALAY? OO AAN WAXBA FAHANSANAYEN?? SOOMAALIYAY ISKUTASHADA? OROMO 1 HALSANO KALIYA AYAY *HALGAMAAYEEN DHULKOODIINA WAY XOREEYSTEEN OO TIGREE WAYKA CAYRIYEEN?

    ADINKUNA MIDOOBA DALKIINA XOREEYSTA. ISUNA TANAASULA. 5SHANTA SOOMAALIYA HAMIDOOWDO INSHAA ALLAAH.




ad

Latest News

AKHRISO:-Dawladda Fedaraalka Ah Oo Amar Ku Bixisay In Lasoo Xirxiro Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Muqdisho
- Feb 18, 2018
Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Fedaraalka ah ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho lagu kala iibsado ...
DAAWO MUUQAAL:-Diyaarad Ku Burburtay Dalka Iiraan Oo Ay Ku Dhinteen 66 Qof
- Feb 18, 2018
Lixdan iyo lix qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku ...
DHAGEYSO:-Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Oo Xiran Maalintii Labaad, Wax Ka Ogoow Sababta
- Feb 18, 2018
Waxaa maalintii labaad xiran suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana Arrintan ay ...