Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRADA:-Munaasabadda 8-da Febraayo oo Qaab cusub loo xusayo iyo Xafladihii dabaaldegga oo la joojiyey

Xuska Sanadguurada kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa loo bedelay qaab cusub iyadoo madaxtooyada ay joojisay xafladihii dabaaldegga ee loo qaban jiray madaxda sare.

Kadib talo soo jeedin loo jeediyey Madaxweyne Farmaajo ayaa waxay madaxtooyadu qaadatay go’aan ah in la bedelo xafladihii dabaaldegga iyadoo taas bedelkeed madaxtooyada waxay magaalada ka hirgelinaysaa teendhooyin ay berri oo ku beegan 8-da Febreeyo fariisan doonaan dhaqaatiir iyo kalkaalisooyin  kuwaasoo caruurta Derbi-jiifka ah iyo xeryaha dadka danyarta ah u sameyn doona baaritaan caafimaad & dawooyin lacag la’aan ah.

Waxaa kaloo la sheegay in xuska 8-da Febraayo lagu maamuusi doono in xeryaha Agoomaha ee kala duwan iyo kuwa ciidamada la gaarsiiyo kaalmooyin kala duwan, arrintan oo noqoneysa mid ku cusub dhaqanka siyaasadeed ee madaxda dalka soo maray.

HOOS KA AKHRISO BAAQII LOO DIRAY MADAXWEYNAHA

 

 

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Taliye ku xigeenkii NISA oo xog xasaasi ah bixiyay kana hadlay shaqo joojintii lagu sameeyay
- Jul 19, 2018
Taliye xigeenkii hore ee hay’adda Nabad Sugidda NISA Ismaaciil Cismaan aya si faah faahsan  ...
DAAWO:-Magaalada Taageer ee Degmada Baargaal oo lagu caleema saaray Nabadoon C/laahi Nabadoon Caynab
- Jul 19, 2018
Magaalada Taageer ee Degmada Baargaal ee gobalka Gardafuu waxaa lagu caleema saaray Nabadoon Cabdulaahi ...
DHAGEYSO+SAWIRRO:-Xaflad lagu furayay Sanad Dugsiyeedka Iskuulka Agoonta oo lagu qabtay magaalada Caabudwaaq
- Jul 19, 2018
Xaflad lagu furayay Sanad Dugsiyeedka Iskuulka Agoonta ayaa lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee gobalka ...