Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL+SAWIRRO:-Kulan Bulshada Looga Wacyi-gelinayo Gudniinka Fircooniga Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Garbahaarey

Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo ayaa lagu qabtay kulan bulshada looga wacyi-gelinayo dhibaatooyinka uu leeyahay gudniinka fircooniga ah.

Kulankaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay oo iska kaashaday ururada bushada ee ku dhaqan magaalada Garbahaarey iyo Hey’adda NCA xafiiska ay ku leedahay magaalada Garbahaarey.

Waxaa ugu horeyntiiba kulankaan furay oo ka hadlay guddoomiye ku xigeenka magaalada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud, kaasoo si kooban sharaxaad uga bixiyay dhibaatooyinka uu gudniinka fircooniga u leeyahay bulshada.

Waxaa sidoo kale kulankaan ka hadlay Afayeenka Ururada Haweenka ee magaalada Garbahaarey Xukun Cabdille Aadan iyo Khadiija Gureey, kuwaasoo ka mid ah haweenka u ololeeya la dagaalanka gudniinka fircooniga ah, waxaana ay gabdhuhu si fiican uga hadleen waxyeelada iyo khatarta gudniinka fircooniga ah.

Qaar ka mid ah Culamaa’uddiinkii ka qayb galay kulankaan ayaa halkaas ka sheegay in culimadu ay markasta ka hadasho ama digto gudniinka fircooniga, caqiidada islaamkuna aanay ogalayn oo uu xaaran yahay, kuwaasoo ku baaqay in laga fogaado.

Waxaa ugu dambayn ka qaybgalayaashii kulankaan ay isku raaceen oo qalinka ku duugeen  in ay si wadar ah uga hortagayaan gudniinka fircooniga, isla markaana aad loo badaniyo wacyigelinta bulshada ee ku wajahan sidii ay u joojin lahaayeen.

 

 

Daahir F. Afdheere

Email.owsame1@yahoo.com

———————————–

Saadaal.com

Saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Somaliland Oo Ku Dadaalaysa Iney Hesho Aqoonsi Daleed
- Oct 20, 2018
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah gollaha wakiillada Somaliland ayaa hadlay arrimo ...
DHAGEYSO:- Fallanqeyn Ku Saabsan Shirkii Golaha Wasiirrada Somalia & Sababta Madaxweyne Farmaajo Uga Qayb Galay
- Oct 20, 2018
Madaxda dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa hadallo kale duwan ka jeedisay ...
DHAGEYSO:- Aqoonyahan faysal cabdi rooble oo si durugsan u falanqeeyay daala dhaca & deg dega siyaasada arimaha dibada ee dowlada somalia
- Oct 20, 2018
Waraysigan Faysal Cabdi Rooble siiyey Golaha1960 iyo Websaydhada ay wada shaqeeyaan wuxuu ku iftiimiyey ...