Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO:-Siyaasi Cabdullaahi Ciilmooge “Dowlada Gobaleedka Jubbaland Isbadel Bay U Baahantahay”

Waraysigan oo uu Siyaasi Cabdullahi Ciilmooge siiyey golaha1960 iyo Websaydhada ay wada shaqeeyaan  wuxuu kaga hadlay in aan dowlada federalku waxba ka qaban AMNIGA  sanadkii hore ,loogana baahan yahay in iyada iyo dowlad goboleedaduba xil iska saaraan sidii ay u xorayan lahaayeen dhulka cadowgu haysto.

Sidoo kale wuxuu aad ugu dheeraaday in Dowlad goboleedka Jubaland wakhtigii dheeraa ee Maamulakani jirey ay ka gaabiyeen wax qabadkii looga baahnaa ee sida xoraynta dhulka au haystaan Cadowgu ,isku xirka maamul ee degmooyinka xorta ah ,horumarinta waxqabadka bulshada,daadejinta maamulka,iyadoo uu sheegay dadka reer jubaland u baahan yihiin hogaan wax ka qaban kara baahiyahooda gaarsiina kara meesha ay higsanayaan.

HOOS KA DHAGEYSO

 

Weriye Abwaan Maxamud.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (7)

  1. Abdalla says:

    maamulka jubbaland wali rajo fiican ayaanu ka qabnaa ,caqabado badan ayaa jira oo aan habeen iyo maalin ku qabsomeen yaan la dagdegin oo haloo kaadiyo ,maamulku waxyaalo badan ayuu qabtay oo aan la dareemeen markii loo barbardhigo somaliya inteeda kale .
    duruufta ayaa mararka qaarkood keenaysa dabacsanaan yar ama qunyar socod yar .
    fikir fiican cidii haysa ha u tagaan maamulka oo fikirkooda ha gaarsiiyaan si ilbaxnimo leh kala danbeen leh is ixtiraam leh hadii laga diido waanu u joognaa waanu arki .
    madaxwaynaha waxaa uu u baahanyahay lataliyaal ka foojigan in ay dhaleecooyin ku soo baxaan maamulka oo talooyin wax ku ool ah keena umaddana isu dheeli tira talooyin cidwaliba ay iska dhex arki karaan si wadanka ka dhexeeya ay u ilaashadaan amnigiisa iyo horumarintiisa .
    maaha kan waan badaleeynaa oo max ma uusan qaban dad ayaa xasanad laga qaaday ama dad baa lamusaafiriyay,arintu intaa waa ay ka weentahay deg degna looma baahna.
    axmed madowe waa shakhsi degan oo wax hogaamin kara khibrad in ay ku yartahay laga yaabee la taliyaal fiicana uusan laheen ,shaqa abuur badana wadanka ka jirin badi wadankana cadowgi wali ku suganyahay,baahina ay jirto ,colaadihii sokeeyena wali aan laga soo kabsan.
    aragti iyo tala fiican ha loo geeyo oo wadanka hala maalgashado oo shaqa abuur ha loo sameeyo oo ha la is caawino.
    intaa ayaan oran lahaa ,ma arko wax hala burburiyo oo hala badalo oo mashaqokale ha la abuuro.
    wabilaahi towfiiq.

  2. c/qani says:

    DADKII SOOMAALI GALBEED AY TIGREEDU KASOO CAYRISAY AYAA KISMAANYO KUDAGAALAMAAYA? WAA YAAB??

    XORAYN SOOMAALI GALBEED IYO NFD. AYAA U BAAHAN EE MAXAYTAHAY KISMAANYO AYAA LAXOREYNAAYAA? YAA LAGA XOREEYNAAYAA YAASE LOO XORAYNAAYAA KISMAANYO??

    HADALKAASI WAA UUN HADAL FULAY IYO HUNGURIWEYNE?? TIGREE” WAA QOMIYAD AAD U YAR? NINKII TIGREE KASOO CARARAYOOW? MEELKALEETO WAXBA KAMAQABANKARTID EE INDHAHA HALA RAACIN WAX AADAN LAHAYN?

    KIKUUYO AYAAD OOGA SOO CARARTAY? GAARISSA IYO WAJEER?? HANGURI AAN AQLI WEHELIN MEEL XUN AYUU KAATUURAA?? TAAS AYAANA MUUQATA?

    ALBAABADUNA WAYKUGUSOO XIRMEEN EE MA BADDA AYAAD ISKUTUURIDOONTAA?? MISE CALOOSHA (UHUURO KENYATTA) AYAAD GALIDOONTAA?? DOQONEEY IS DABAQABO??

  3. Cabdinuur says:

    Ascm kkkkk Cilmooge. Miyuusan ogayn markuu wasiirka ahaa inuudiiday inlagadhigo dowlad goboleed oo uugarab siiyay Xasan shekh tan kale mawuxuu kufikirayaa ineey doortaan reer jubbaland

  4. Cabdinuur says:

    Kkkk hakufikirin taas hana kuriyoonin jubaland waataad ladagaalamaysay ood kasoohor jeeday ineey waxnoqoto

  5. Deeq Daahir says:

    C/Qani.

    Inta aad sidaas u hadlayso, waligaa garoowsho heli, maysid, waxaadna tahay nin Galgaduud kasoo cararay oo raba inuu reer Waamo xoog ku qabsado. Haddaad doonayso inaad xaq sheegto, waxaad kasoo bilowdaa, kuwii 8da sano reer Kismaayo joogga iyo jiifka u diiday, ee la ogyahay, dhibkii iyo xasuuqii ay Jubbooyinka ka sameeyeen. Waxaanu ognahay inay reer Jubbaland soo mareen, Boob, Kufsi, Isbaaro. Dooxatadii Jubooyinka ayaa u baahaa in laga hadlo. Addigoo gacmaha dhiig ku leh,waa kugu ceeb inaad wax waaniso. Wixii la ogaa ee sidaas ahaa haddaad garowsho ka bixiso, wax walba oo ka dambeeyay waa laga hadli, waana la cambaarayn.

    Haddanse luuqaddaada oo kale kugula hadlo wey inaga foolxumaan, waxbana inoo tari mayso.

    Wabillaahi towfiiq

  6. kacaan says:

    Jubbaland iyo halka xaalka maraayo waxaan qabaa inuu maamulka dadaal sameeyey caqabado badana ku yimaadeen.
    Waxaan kula talin lahaa in horta la xoreeyo dhulka Jubbaland laga heeysto midaas waxeey keeneeysa dhaqaale iyo dad badan iyo isu socodka oo furmo oo si dekeda wixii kasoo dego sadexda gobal loo gaarsiiyo xaga ganacsiga.
    Maamulka waa inuusan ka daalin dibu-heshiisiinta beelaha oo la wado inta Jubbaland ka gaareeyso heer Nabad buuxda ah waa in la joojiyo waxyaabaha yar yar oo cabashada keenayo sida dad guryo ama dhulka Kismaayo isku qabsado arintaas dad aqoon u leh iyo culimada haloo xil saaro shacabka waxaan ugu baaqayaa ineey la shaqeeyaan Ahmed Madoobe hana la ogaado siyaasada waa qori isku dhiib dhulka jubbaland waa cidlo in dad isku dilaan maahan nabada qof walbe u dana xata hadii hal qooys idin xukumo oo wanaag wadaan la shaqeeya horumarka doowladnimo baad wada leedihiin.
    Waa walaalkiin oo ku sugan Caabudwaaq oo idin leh horey u socda Jubbaland oo dadaalka wada oo cadaalada isku xukuma Nabaadiino.

  7. Deeq Daahir says:

    Kacaan. Waxaad datahay wax-garad, warkaad soo qortayna aad baan kuugu raacsanahay. Runta dhibka ugu wayn ee ina haysta waa kala daadsanaanta, isu fiirsiga, xumaan faadh-faadhaka. Soomaalidu waxay wakhti badan galiyaan siday isaga takhalusi lahaayeen, yacni qabiil walba uu qabiilka kale uga adkaan lahaa. Xumaan raadiska wakhtigaynnu galino, haddaynu wanaag galin lahayn waxaaba dhacda inaynu dowlad adag yeelan lahayn. Runtii dadka Jubbooyinka ku nooli, waxay haystaan barwaaqo, laakiinse uma jeedaan. Sidaad sheegtay haddii dib u heshiisiinta la xoojiyo, dhulka inta maqanna la xoreeyo waxaa iman dhaqaale badan. Tusaale ahaan Gobolka gedo waxaa la sheegaa inuu yahay gobolka 2aad ee soomaaliya u weyn, waxaana mara webiga Jubba, kaas oo meelo badan ka mara, balse 95% aan laga faa’iidaysanin. Waxaan qabaa haddii nabad la helo in Jubbooyinku noqon lahaayeen meelaha ugu dhaqaalaha badan soomaaliya.
    Balse maankeenna waxaa ka buuxa, siday qolo walba, uga taag roonaan lahayd kuwa, kale, inta taasi jirtana waxba noqon mayno.




ad

Latest News

AKHRISO:-Dawladda Fedaraalka Ah Oo Amar Ku Bixisay In Lasoo Xirxiro Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Muqdisho
- Feb 18, 2018
Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Fedaraalka ah ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho lagu kala iibsado ...
DAAWO MUUQAAL:-Diyaarad Ku Burburtay Dalka Iiraan Oo Ay Ku Dhinteen 66 Qof
- Feb 18, 2018
Lixdan iyo lix qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku ...
DHAGEYSO:-Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Oo Xiran Maalintii Labaad, Wax Ka Ogoow Sababta
- Feb 18, 2018
Waxaa maalintii labaad xiran suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana Arrintan ay ...