Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Magaalada Caabudwaaq Oo Ay Ka Dhacday Ciyaar Xiiso Badan Oo Lagu Daahfuray Nabadda Iyo Isdhexgalka Bulshada

Magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa waxaa ka dhacday ciyaar dhinaca kubadda cagta ah, taasoo loogu talagalay in lagu Daaahfuro Nabadda iyo isdhexgalka bulshada ku dhaqan magaalada Caabudwaaq.

Waxaa garoonka ay ciyaartaan ka dhacday soo buux dhaafiyay dadweyne aad u badan oo xiisaynaya daawashada ciyaartaan, kuwaasoo wajiyadooda laga dheehan karay xiisaha ay u qabaan Nabadda iyo Isdhexgalka.

Dhalinyaradii ka qayb gashay ciyaartaan ayaa waxaa ay intooda badan xiraayeen funaanado ay ku qoran yihiin, halhayska caan-baxay ee ah Nabad iyo Nolol, kuwaasoo sitay boorar lagu xardhay oraahyada ah: Caabudwaaq waa hoyga nabadda, Isboortigu waa isdhexgalka bulshada, Nabaddu waa nolol, Nolushuna waa Nabad.

Shacabka ku dhaqan magaalada Caabudwaaq waxaa ay bilooyinkii dambe si wadar u muujiyeen inay abuuraan jawi lagu gaari karo nabad iyo hurumar, kuwaasoo wacad ku maray inay meel uga soo wada jeestaan cid kasta isku dayda inay carqaladeyso nabad kuwada-noolshahooda.

Si kastaba ha ahaatee ciyaartaan xiisaha leh ee ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Caabudwaaq ayaa la oran karaa waa tallaabo aad u fiican oo yididiilo abuuraysa, taasoo fure u noqon karta nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

 

 

Daahir F. Afdheere

Email.owsame1@yahoo.com

————————-

Saadaal.com

Saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Cagalule oo garoowe kaga dhawaaqay in uu ka qayb geleyo Dagaalka Tukaraq
- May 21, 2018
Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali(Cagalule) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa ...
Khayre oo booqday dadka laga soo badbaadiyay Xaafadaha ay saameeyeen daadadkii ka dhashay Roobabka
- May 21, 2018
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer ku tegay degmooyinka ...
TOPNEWS:-Madaxweyne Ku-xigeenkii Khaatumo oo caasimada puntland kaga dhawaaqay in uu ku dagaalka tukaraq qeyb ka noqon doono
- May 21, 2018
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo Mudane Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo goor dhoweyd shir jaraa’id ...