Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Beesha Dubbeys Ee Warsengeli Oo Cabasho Ka Muujisay Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi

Beesha Dubbeys ee Warsangeli ayaa shir jaraa’id oo ay yeelatey eedayn culus ugu jeedisay Xukuumadda Somaliland uu ee Madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasiga  Mursal Axmed Xaaji Geelle oo ka hadlay shirkaan jaraa’id ayaa sheegay in Beesha Dubbeys aanay ku qanacsanayn xukuumadda cusub ee madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi, taasoo ay ka waayeen wasiirkii ay horey ugu lahaayeen dhamaan xukuumadihii soo maray Somalilnd.

Dhinaca kale waxaa sigaasigga Mursal cabashadiisa uu ku sheegay in iyadoo aan lasiin wasiirkii ay lahaayeen, haddana Xukuumadda Somaliland ay dhawaan sheegtay in deegaanadooda ay ka midka yihiin Dhahar iyo Badhan aanay imaan karin siyaasiyiinta beeshooda, kuwaasoo mashaariic u wadday, taasoo uu ku timaamay inay tahay ilhaano weyn.

Mursal Axmed Xaaji Geelle wuxuu eedayn aad u weyn shirkaan jaraa’id ugu  jeediyay siyaasiga Feysal Cali Waraabe, kaasoo sheegay in uu aflaaddo mar kasta u geysto siyaasiyiinta Beesha Warsengeli, Harti, iyo guud ahaan beelahaha Daarood iyo Hawiye, waxaana Madax dhaqameedyada Beesha uu Feysal Cali Waraabe ku abtirsado ka codsadey inay qabtaan.

Ugu dambayn Waxaa siyaasiga Mursal uu farriin adag u diray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasoo sheegay in uu xeeriyo waxa ay xeeriyeen Madaxweynayaashii ka horeeyay ee Somaliland.

 

 

 

 

Daahir F. Afdheere

Email.owsame1@yahoo .com

———————————-

Saadaal.com

Saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. maxamed sulub says:

    ninkas waxuu umuuqday nin ku Calacalay xil uu karadinayey somaliland,waxa kale oo iga yabisay 2 arimod oo ninkasi ku catabay,fadaralka oo uu xilalka masulinta bishisa ka hayan si fifican ku Qanacsan,misana somaliland wax karaba maxa ninkan kaqaldan? fadaralka somaliya & somaliland side ayuu isu wafajinaya hankisa???.




ad

Latest News

TOPNEWS:-Dowladda Kenya oo Baareysa Siduu Baasa-boorkeeda Ku Helay Fahad Yaasiin
- Aug 21, 2018
Dowladda Kenya ayaa baaraysa siduu Taliye ku-xigeenka Hay’adda Nabadd Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin uu ...
DAAWO:-Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Magaalada Edmonton oo Shir Muhiim Ah Yeeshay
- Aug 21, 2018
Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee magaalada Edmonton oo shir muhiim ah isugu timid. Waxaa kulan ...
Akhriso:- Taliyihii Laga Soo Celiyay Magaaladda Kismaayo Oo Xabsiga La dhigay
- Aug 21, 2018
Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa xabsiga u taxaabay nin sheegtay inuu yahay Taliyaha NISA ...