Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaa laga dhaxlaa dhulka dad weynaha ee la siinayo shirkadaha gaarka loo leeyahay?

Waxaa dhawaanahaan nagu soo batay maqalka dhul la siiyay shirkad ama shaqsiyaad lagu sheegay inay maal galinayaan. Dhulkaan wuxuu ku yaal magaalooyin waxaana bixiyo maamulka markaas magaaalada gacanta ku hayo. Asbuucii lasoo dhaafay ayay ahayd markaan maqlaynay hooyooyin leh meeshi aan daganayn ayaa xoog la inooga raray. Kuwaas waxaa ka horeeyay kumannaan masaakiin ah oo dhul Xamar ku yaallo laga barakiciyay.

Waxbo ka oran mahayo dhulalka aan kor ku xusay waayo xaqiiqdooda hoose waxba kalama socdo saxna maahan inaan go’aamiyo wax aanan ogayn. Laakiin waxaan halkaan idin kula wadaagi dhibaatooyinki ay dhaxleen dalalki horay ooga kireeyay dhulkooda shirkado maalgashanayo.

Dhulka yaa leh?

Sidaan qormo hore https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/01/dhul-boobka-iyo-cawaaqibta-ka-dhalan_22.html ku sheegay dhulka Eebaa leh, aadanahana waa u wakiishay. Intii meel kuwada nool waxaa ka dhaxeeyo dhulka wixii kasoo haro intuu qof walba shaqsi ahaan u leeyahay. Tusaale, Soomaali way wada leedahay dhulka. Qofka ku dhashay Wajeer Wajaale waxbuu ku leeyahay, kan ku dhashay Jabuutina Jammaame wax ayuu ku leeyahay laakiin haddii baahidu sinnaato kan meesha dagan ayaa la hormarin.

Yaa bixin karo dhulka?

Dunida casriga ah, dowlado ayaa gacanta ku hayo maamullada. Dowladahaan dadka ayay matalaan qasab ama ogolaansho middood. Dowladahaan ayaa go’aan ka gaaro waxa dadka dantu ugu jirto hadba sida ay u arkaan maslaxada dadkoodana u isticmaalo dhulka.

Dalalka Galbeedka ee dowladaha lasoo doorto ma sahlano inay dowladdu dhul say rabto ka yeesho. Marar badan iyadoo masalaxada dalka iyo dantu ku jirto ayaa waxaa is hortaago dad yar oo ay si gooni ah u saamaynayso. Tusaale, ayrpoorka ugu weyn Ingiriiska ayaa la damcay in la balaariyo. Soo jeedinta balaarinta waxaa la sameeyay 2006-di, waxaana soo dhaweeyay dhammaan qaybaha ugu muhiimsanaa ee matali karay shacabka.

Laakiin waxaa ka gows adaygay xildhibaanno laga soo doorto aagga uu ku yaal ayrpoorka iyo kuwa aydhiyooloji ahaan ooga soo horjeedo. 11 sano ka dib, wali waxaa socdo wada xaajoodki iyo dadaalki lagu qancin lahaa dadka diidan. Si ka duwan Galbeedka, waddamada soo korayo ma eegaan rabitaanka shacabkooda iyo saamaynta uu ku yeelan karo dadka dan yarta ah.

Dhul Boobka

Adduunyada waxaa si aad ah u kordhayo tirada dadka ku nool. Gaar ahaan waddamada Aasiya ku yaal, dhulka ay haystaan iyo tirada dadku isuma dheeli tirra marki hunguri wayninka aadanaha lagu saleeyo. Baahidaas dhuleed ayaa keentay in dowlado badan ay bannaanka ka doontaan dhul ay beertaan si ay dadkooda u quudiyaan.

Waddamada laga kiraysto dhulalka ayaa ah kuwa sabool ah dadkoodana aan dan ka lahayn. waxay bixiyaan dhul balaaran oo ay dagan yihiin masaakiin ree miyi ah. Lama siiyo dhul kale, mag dhow iyo meel ay aadaan toona.

 

Itoobiya

Dadlalka sida aadka ah dhulkooda u kireeyay waxaa ka mid ah Itoobiya. Itoobiya ayaa ilaa 2000 aragtay horumar balaaran iyo kobac dhaqaale oo aan horay ooga dhicin qaaradda Afrika. Taliski waddanka haystay ayaa ku fekaray inay si walba oo ay dalka ku haysan karaan kuna hormarin karaan sameeyaan.

Waxay heshiisyo la galeen waddamo badan oo ay ka mid yihiin Hindiya, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraatka. Waddamadaan ayaa la siiyay dhul baaxad weyn oo laga kireeyay muddo boqol sano ah si ay oogu beertaan cuntooyinka ay u baahan yihiin.

Waxaa xusid mudan in Itoobiya boqol milyan kuwaad ku nooshahay dadkeeduna dhulku ku yaryahay. Laakiin taasi lama eegin ee waxaa loo xishay yaa lacag haysto iyadoo la isticmaalayo shaatiga horumarin iyo maalgashi.

Dadki dagganaa dhulkaas xoog ayaa lagu raray. Addunyada iyo idaacadaha waxaa loo sheegay in dadka la rarayo magaalooyin la dajin doono, caruurta iskoollo loo gayn doono, nolol iyo caafimaad bilaash ah ay heli doonaan, lacagta lagu hormarinayana ay ka imaan doonto maalgashiga caalamiga ah. Hal milyan iyo bar dad gaarayo ayaa laga raray dhul Hindiya kaliya laga kireeyay. Wixii xigay waa sheeko taariikha gashay.

Sidoo kale dalka Baraasiil ayaa isna barakiciayay boqollaal kun oo ah dadkii dhulka lahaa. Kaymaha Amazon iyo dhul kalaba waxaa laga kireeyay shirkado waaweyn iyadoon la eegin saamaynta ay ku yeelan karto dadka deegaanka. Lama yaqaan inta uu la egyahay dhulka laga boobay masaakiinta laakiin qaarka mid ah cilmi-baarayaasha ayaa xaqiijiyay in inta la hubo uu gaaray 34 milyan oo hektar.

Dhibaadatada ugu weyn waxay gaartaa dadka dhulkaas lahaa oo kumannaan sano kusoo noolaa. Dhibka nololeed ka sakow, waxaa gaaro mid dhaqan waayo waxaa la baabi’iyaa dhammaan wixii hiddo u ahaa iyo caalamad walba oo muujin karto inay dhulkaas lahaayeen si aysan dib danbe ugu sheegan.

Intaas waxaa sii dheer, waxa laga soo saaro dhulkaas, dalka ma galaan ee waxaa loo dhoofiyaa dalalka beertay. Raashinka kasoo baxo Itoobiya, dadkeeda oo baahan ayaa loo raraa Hindiya iyo Sacuudi Carabiya.

Maxaa ka dhashay?

Dhul boobkaan wuxuu abuuray dhibaatooyin waaweyn oo waqti badan jiri doono. Wuxuu barakiciyay malaayiin qof kuwaas oo faqrigi ay qabeen kusii kordhay. Wuxuu dhaawac xooggan u gaystay bey’ada wuxuuna sababay nabaad guur aan laga soo kaban karin. Waddamada Laattin Ameerika, dhibka ugu badan wuxuu noqday in dadkii soo barakacay ay buux dhaafiyaan caasimadaha oo awalba la il-darnaa nolol xumo iyo adeeg la’aan arrintaas ayaana abuurtay dib u dhac dhaqaale iyo mid bulsho oo ballaaran.

Itoobiya dhibki ay abuuratay waa kan maanta ay mirihiisa cunayso. Dhibaatada Oramadu waddo wuxuu ka bilowday isbalaarinti shirkadaha iyo dhulkii la rabay in lagu daro Adisababa. Inta badan shacabka Itoobiya wuxuu colaad xooggan u qaaday dowladda waxayna isku raacsanyihiin inay xukuumadda baddalaan.

Nacaybkaas waxa ugu badan ee abuuray waa dhul boobki ay dowladdu samaysay iyadoon fulin wixii ay ballan qaadday. Dadka waxaa u cunnami la’ in qamadiga dhulkooda ka baxo ay gaajo uga dhintaan, caruur dal kale ku noolna lagu quudiyo.

Gunaanad

Dhibaatooyinka dhulalka waxay ahaayeen kuwa ilaahay naga koriyay. Intii dhibka dhulku adduunka ka socday innagu waan ka raaxaysannay. Wali nama soo gaarin shirkadaha shisheeye ee dhul doonka ah laakiin waxaa bilow u ah kuwa soomaalida ee billaabay inay maamullada dhul na siiya yiraahdaan.

Ninkii lacag haysto ee doonayo inuu dhul maalgashado waa inuu  iibsadaa dhul xalaal ah oo la hubo cidda leh. Dadka xoogga lagu barakicinayo waxay bilow u tahay cuquubooyin waaweyn oo sanka isku hayo kuwaas oo noo horseedi doono caaqibo aanan la mahdin.

Dowladda dhexe waxaa saaran in ay soo saarto sharci cad oo qeexayo xeerarla dhulka iyadoo eegayso hab nololeedka soomaalida iyo saamaynta ay uu dhul boobku nagu yeelan karo.

Culimada iyo ururada bulshadu waa inay u doodaan kana dhiidhiyaan ku xadgudubka lagu hayo masaakinta iyo dhulboobka loo gaysanayo kuwa laga xoog badan yahay.

 

Waxa la kaliya ee laga dhaxlo dhulboobka waa qalalaase siyaasadeed, amini xumo, faqri kordho, colaad fogaato iyo dhaqan guur. Biyo inta aysan kusoo gaarin ayaa la iska moosaa

 

Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

AKHRISO:-Dawladda Fedaraalka Ah Oo Amar Ku Bixisay In Lasoo Xirxiro Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Muqdisho
- Feb 18, 2018
Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Fedaraalka ah ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho lagu kala iibsado ...
DAAWO MUUQAAL:-Diyaarad Ku Burburtay Dalka Iiraan Oo Ay Ku Dhinteen 66 Qof
- Feb 18, 2018
Lixdan iyo lix qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku ...
DHAGEYSO:-Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Oo Xiran Maalintii Labaad, Wax Ka Ogoow Sababta
- Feb 18, 2018
Waxaa maalintii labaad xiran suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana Arrintan ay ...