Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRADA:-Guddoomiye Yarisow oo Safiirka Turkiga kala hadlay taageerada iyo horumarinta gobolka Banaadir

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya H.E. Olgan Baker oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta gobolka Benaadir .

Eng. Yarisow ayaa marka hore uga mahadceliyey Safiirka doorka ay Turkiga ka cayaarto Soomaaliya oo uu sheegay in xiriirka labada dal ka dhexeeya uu tusaale cad u yahay taageerada aan shuruudu ku xirnayn. Waxuna tilmaamay in shacabka ku dhaqan Muqdisho ay si weyn uga dharagsan yihiin gacan siinta walaaltinimo ee Turkiya.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya sidii ay dib ugu soo kaban lahayd oo ay xasilooni iyo horumar u heli lahayd , sidoo kale waxaa ay muhiim u tahay in labada dal ay iska kaashadaan dib-u-soo nooleynta adeegyadii guud”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya H.E. Olgan Baker ayaa dhankiisa balan-qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu kala shaqeynayo maamulka cusub ee gobolka Benaadir dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Qaramadda Midoobay oo fariin adag u soo diray barlamanka somalia
- Aug 23, 2019
Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka ...
Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo la kulmay xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee wadanka Biritayn
- Aug 23, 2019
Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa la kulmey xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee ...
DHAGEYSO:-Wasiir Saleeban Cali Koore Oo War Cusub Ka Sheegay Xaalada Magaalada Laascaanood
- Aug 23, 2019
Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ...