Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

FAALLO:-Muqdisho Maxaa Ka Maqan? W/Q. Ibraahim Aadan Shire

Doodadda maqaamka Muqdisho maahan  mid nagu cusub. Ilaa maalinti maamul goboleedyadu dalka ka bilowdeen, reer Muqdisho waxay u halgamayeen in magaaladu maamul goboleed noqoto. Ree Muqdisho ayaa ku doodayo in caasimaddu mudan tahay inay noqoto maamul la  mid ah Jubbaland iyo Koofur-Galbeed. Waxaa is waydiin leh waxa uu ku dhisan yahay rabitaankaan?

Anigu shaqsiyan waan fahmi waayay. Siyaasi darajada ugu sarrayso ee uu gaaro waa madaxweynenimo, magaalana maqaamka ugu sarreeyo ee gaarto waa caasimadda dalkeeda. Madax meel ka sarrayso oo la salaaxo ma jirto, muqdishana madixi ayay joogtaa ee xagee u socotaa?

In badan waxaa lagu doodaa, haddii  Banaadir maamul goboleed noqdo wuxuu noqon maamulkaas sida maamullada kale sidaa darteed wixii kasoo baxo dakaddeeda, ayrapoorkeeda iyo canshuuraha laga qaado dadkeeda iyada kaligeed ayaa cuni.

Ma is waydiinnay in sababta ayrapoorka Xamar iyo dakaddeedu lacagta badan u soo saaraan inay tahay maqaamka caasimadnimo ee ay haysato? Lacagta badan ee soo gasho soo maahan  mid ay dhaliyeen tobannaanka kun ee kasoo haajiray goballada dalka iyagoo daba socdo dowladda? Waxa camiray huteelada soo maahan dadka dalxiiska iyo ku dakaynta caasimaddooda dalal kale ooga yimid?

Maxaa loo aadi la’yahay Kismaayo iyo Baydhabo oo Xamar loogu hormaraa? Ma karaamo aan magaca caasimadda ee ku dhacay aan ahayn ayay leedahay? Waxa dhulkeeda qaaliga ka dhigay soo maahan magaca caasimadnimo? Baal aan sawiranno iyadoo lagu heshiiyay in Baadir ismaamul laga dhigo Caasimaddana Marko loo raray, waqti intee la ek ayay Marko Xamar kusoo gaari lahayd? Qiimaha ay caasimad leedahay reer Cadaado ha la waydiiyo, xanuunka caasimad la baddalayna uu leeyahay iyaga ha la waydiiyo labadaba iyagaa arkaye!

London iyo Muqdisho

Dalka Ingiriisku wuxuu u qaab egyahay Soomaaliya. Wuxuu ka kooban yahay afar dal (gobal): Iglan, Iskootlaan, Welesh iyo Waqooyiga Ayrlaan. Sadexda danbe mid walba wuxuu lee yahay baarlamaan u gooni ah iyo ismaamul iyo caasimad. Gaar ahaan Iskootlaan waxay u dhaqantaa sidii waddan madax banaan. Laakiin Igland ma lahan maamul iyo caasimad u gooni ah. Hasa yeeshee waxaa dagan dowladda dhexe, waxaana ku taal London oo ah caasimadda guud ee dalka.

London dadka ku nool wuxuu tirada guud ka yahay 12.5% haddana waxay soo saartaa 22% dhaqaalaha guud ee Ingriiska oo dhan. Dhaqaalaha ay abuurto London sanad walba ayaa u dhigma kan ay abuurta Sacuudi Carabiya oo dhan. Bogga BBC-du wuxuu qoray in London sabad walba dhaqaalaha dalka ku darto 34 bilyan oo gini.

Saas oo ay tahay, reer Iglan ma dalbadaan ismaamul gooni iyagoo og inay dhaqaalaha ugu badan waddanka soo galiyaan. Sababta aysan u dalban waxaa ugu badan inay ogyihiin waxay ku heleen dhaqaalahaas iyo sharafkaas inuu yahay hoggaanka dalka ee ay London hayso.

Caasimaddu waa wajiga waddankeeda marar badanna waxay qaadataa magaca waddankeeda. Tusaale, waxaad maqli war tabiye leh “isfahamwaaga ka dhaxeeyo Muqdisho iyo Nayroobi…”. Halkaan dalalki Soomaaliya iyo Kenya waxaa matalayo Muqdisho iyo Nayroobi. Marnaba ma dhici karto inay matalaan Boosaaso iyo Mombaasa. Ree Iglaan taas ayay fahamsan yihiin una doorteen in Weelish maamulkiisa la gooni noqdo koodana kula daarto.

Haddaba reer Muqdisho maxay ooga cararayaan ahaanshaha hoggaanka Soomaaliyeed oogana door bidayaan inay noqdaan xaafad beel u oodan illeen maamul goboleed waa un beele?

Aragtidayda

Waxaa la yiri markii Eebe uumay xoolaha ayaa geel ku dooday in wax la dheeraysiiyo xoolaha kale. Alle ayaa ku yiri dheerar ayaan ku siiyay oo ari iyo lo’ba adaa ka dheereeyay. Geel waa soo laabtay oo wuxuu yiri  wax kale iigu dar. Waxaa lagu yiri kurus ayaan kuugu daray oo ari iyo la’ba aysan lahayn. Maalmo ka dib ayuu haddana soo laabtay aw geel wxuuuna yiri iguma filna ee wax kale iigu dar. Eebe ayaa u carooday oo ku yiri dhug iyo dhukaan ayaan kuugu daray, sidaas ayaana labo cudur oo aan ku dhicin xoolaha kale geel loogu gaar yeelay.

Waxaan kaga jeedaa, wixii sharaf iyo xoolo Soomaali lahayd Xamar ayaa la isugu keenay. Aqoonyahanno badan ayaa qabo in wixii burburiyay Soomaaliya ay ka mid ahayd dhaqaalihi iyo xafiisyadi dowladda oo hal meel lagu soo aruuriyay. Tii ayada ahayd waxba lagama baran oo ilaa maanta xafiis walba iyo xigtii soo dhacdaba Xamar lama dhaafin.

Saas oo ay tahay dood ayay sii qabtaa, marka waxaa ila quman in dad weynaha Banaadir afti laga qaado lagu waydiinayo kay rabaan caasimad iyo maamul goboleed. Haddii ay doortaan midda danbe, waxaan qabaa in dowladdu aqbasho waqtina loo qabto ay ku raadsato caasimad aan maamul goboleed hoos imaan.

Si taas loo helo, ha loo soo bandhigo magaalooyinka Soomaaliyeed ee aan xudduudaha ku oolin, tartanna ha galaan, maamulki aqbalo inuu bixiyo caasimad ka badax bannaan maamulkaas ha la qaato hana loo guuro muddo cayiman qiyaas ahaan toban sano gudahood. Tusaale, haddii ay Baydhabo ku guulaysato inay noqoto Caasimadda dalka, way ka madax bannaanaan Koofur-Galbeed, waxaa loo diyaar garoobi inay xafiisyada dowladda tartiib-tartiib loogu wareejiyo.

Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. wadaad yare says:

    @Ibrahim Aden Shire
    Dooddaadu dhinac ayey gar ka tahey laakiin saaxiib dhimacyo kale oo dhinaca dhaqaalaha aan ka muhimad yareyn ayaad ka ilduuftey.
    Waxaa ugu muhimsan arrimahaas
    1. Ineysan laheyn dadka deggan matalaad siyaasi oo aysan iyagu madaxdooda doorane loo magacaabo ninkii la doono ee maka jirtaa Londonta aad tusaalaha usoo qaadatey sidaasi mise mayor ka London awood badan oo siyaasadeed ayuu leeyahey?
    2. Waxaad kaloo ka booddey in federaalka ka jira Somaliya uu yahey federaal qabiil oo dadka majorityga oo deggan Muqdisho oo canshuurteeda bixiya ay isku qabiil yihiin qabiilka deggan labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug oo aan lageyn deked iyo airport aan ka aheyn kan Muqdisho sidaas darteed dadkoodi soo buuxiyeen Muqdisho sidaasns waxaa dhaceysa haddii Muqdisho dowladdu u tashato siyaasiyan iyo dhaqaale ahaanba iney si ba,an ugu dulmanaadaan beel ahaan.
    Waxaa kaloo jira ineysan dowladdu dhab ahaanba u xakumin cid aan Hawiye aheyn maaddaama Hawiye madaxoodi iyo maalkoodi iyo aqlabiyaddoodi shacabkoodi Muqdisho degganyihiin waxaa ku amar ku taagleyn kara ninkii Muqdisho xakuma. Sidaas darteed Hawiye si ficliya ayuu kaligiis noqonayaa mid dowladda dhexe u taliso iyadoo dowladdii dhexena ay u sarreynayaan inta badan dad ama gobollo kale ka yimid amaba u nugul cadaadiska iyo cad goosiga gobollada madaxa bannaan. Dowladdu dheg jalaq uma siineyso qeylada gobollada aan laheyn awoodda madax bannaani ee ay heystaan gobollada kale.
    Tan ugu adag waa in nin qabiilkiisu heysto maamul madax bannaan uu ku amar ku taagleeyo masiirka qabiilka caasimaddu u tahey saldhigga isagoon xataa qabiilkiisina wax u yeerin karin.
    Ee arrintaas sidaas u cad maxaad ka leedahey?

  2. mahad says:

    Qoraagu waa mahadsanyahay wuxuuna wax ku cabiray sida saxa ah ee dadka wax garanaya ama wax la fahmi karo oo cilmi ku dhisan u fekerayaan, laakiin taas ma taalo meesha bal u fiirso jawaabta uu kuu qoray kii ugu horeeyay ee maqaalka faallo ka bixiya wuxuu ka hadlayaa reer hebel baa heysta iyo reer hebel ayaa waxooda lala wadaagayaa, marka caqligiisa ha lagula hadlo maadama uu ku xiran yahay reer hebel waxaad weydiisaa reerka sheeganaya muqdisho ma deganayeen mise wey ku habsadeen magaalada aaway dadkii 1 milyan iyo barka ahaa ee ku noolaa oo hantida iyo nolosha ku lahaa inta reer hebel aysan ku habsan waxa oo dhan waxaad ku soo koobtaa runta meesha taala reer ayaa hanti xaaraan ah oo dadkeedii lahaa qaarna dilay qaarna qaxiyey dadkaas oo soomaali dhan ku dhameyd reerkii sidaa sameeyay ayaa raba in loo xalaaleeyo dhiigii iyo xaaraantii ay sameeyaan taasina cid soomalida kale ah oo ka yeeleysa ma jirto, ama magaalo reer leeyahay oo xaaraan ay ku qabsadeen oo ku heystaan ayay noqon ama caasimad dadkii soomaaliyeed ee lagu dhibaateeyay xaqoodii ay ka helaan oo dadkii dhibaatada geystay ay ka toobad keenaan cafisna dalbadaan xaqii muslimka ahaa ay ku galeen oo soomali u simantahay ayay noqon wax u dhaxeyn kara intaa ma jiraan mana jiri doonaan soomaalina wey is wada ogtahay dadka reer muqdisho ku hayo wey is ogyihiin soomalina wey ogtahay xaaraan marnaba xalaal noqon meyso cid sharciyeen kartaana ma jirto waana taas waxa dawlad kasta aysan u yeeli karin in ay dad meel ku habsaday u xukmiso. dalkii soomaaliyada xorta ahaa meel hanti qof ama qaran leeyahay xoog lagu heysto waa Muqdisho cidii is yeelyeeleysa ama iska indha tireysa iyadeey jirtaa oo riyo been ah isu sheegta laakiin xaqiiqdu meesheeda ayeey taal mar walba xaqquna ciyaar kuma suulo.




ad

Latest News

TOPNEWS:-Dowladda Kenya oo Baareysa Siduu Baasa-boorkeeda Ku Helay Fahad Yaasiin
- Aug 21, 2018
Dowladda Kenya ayaa baaraysa siduu Taliye ku-xigeenka Hay’adda Nabadd Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin uu ...
DAAWO:-Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Magaalada Edmonton oo Shir Muhiim Ah Yeeshay
- Aug 21, 2018
Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee magaalada Edmonton oo shir muhiim ah isugu timid. Waxaa kulan ...
Akhriso:- Taliyihii Laga Soo Celiyay Magaaladda Kismaayo Oo Xabsiga La dhigay
- Aug 21, 2018
Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa xabsiga u taxaabay nin sheegtay inuu yahay Taliyaha NISA ...