Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

SOOMAALAAY HURUDOOY (Sheeko Gaaban)  W/Q. Cabdullaahi Janno

Barnaamijkiisa telefishinka ayuu weriyihii ku marti qaaday labo nin oo Somaliland iyo Puntland horey xilal uga kala qabtay. Waxaa sidoo kale qadka Skype ku jiray dhaqtar cilmi-nafsiga ku taqasusay. Wadaad ayaa isaguna qolka la fadhiyay siyaasiyiinta, cimaamad cadna madaxa ugu duubneyd. Waxaa weriyihii miiska u saarnaa kombiyuutarka isku laabma oo uu kala socday daawadayaashiisa kuwaasoo si toos ah barnaamijkiisa uga daawanayay Facebook.

“Labadiinnaba waxaad sheegteen in lagu soo xadgudbay xudduudkiina,” ayuu yiri weriyihii oo qalin ku rogrogayo farahiisa dhexdooda. “Dooddiina ma cusba. Misana waa isu eg tahay. Haatan oo aad labadiinna si nabad ah u wada dhex fadhisaan istuudiyahan Minneapolis waxaa xaalad colaad isku hor fadhiyo labo ciidan oo dhallinyaro ah. Hal su’aal: dagaal ma xammili karaan shacabka Somaliland iyo Puntland? Xag dhaqaale? Xag naf? Xag caafimaad?”

“Ciidankeennu duullaan iyagu ma ahan,” ayuu yiri nin wasiir ahaan jiray. “Nin duullaan kugu ahna gacmaha kama laabaneyno.”

Weriyihii wuxuu jalleecay dhankii ninkii kale oo isaguna wasiir soo ahaan jiray.

“Ciidankeennu duullaan iyagu ma ahan,” ayuu yiri wasiirkii kalena.

“Nin duullaan kugu ahna gacmaha kama laabaneyno.”

“Idinkoo raalli ah,” ayuu yiri weriyihii, “jawaabtiinna waxay u muuqataa mid hal warshad lagu soo sameeyay. Waxay ka maran tahay fiiro dheeri iyo xal-raadis dhab ah. Bal intaanan su’aal weydiinin dhaqtarka iyo sheekha, aynu u soo daadegno arrinka dhaqaalaha. Somaliland miisaaniyaddeeda 2017 waxay aheyd 360 milyan oo doollar; Puntlandna waxay aheyd 160 milyan. Ka gudub. Labadiinnaba caruur ayaa idiin dhigato dugsiyada dadweynaha ee Minneapolis. Wadarta miisaaniyadeed ee Somaliland iyo Puntland waxaa boqol iyo soddon milyan ka sii badan miisaaniyadda u deggan hal degmo waxbarashadeeda – ardaydooduna waa un 35 kun. Idinna khalqi dhan oo dhowr milyan ah baad rabtaan inaad ugu adeegtaan miisaaniyaddaas aadka u yar. Dagaalku soo la ruqi maayo miisaaniyad ka badan inta aad sannadka u kala qorsheynsaan maamulladiinna?”

Mid ka mid ahaa labadii siyaasiyiin ayaa yiri, “Ha hilmaaminse in nolosha Mareykanku ay ka qaalisan tahay tan dhulkii. La isma barbardhigi karo.”

“Dulucda hadalkaygu ma ahan isbarbardhigga Mareykanka iyo dhulkii hooyo,” ayuu yiri weriyihii. “Halka aan u socdo waxay tahay, burburka dagaalka imisa ayaad uga talo-gasheen miisaaniyaddiina aadka u yar? Qoysaska ay dhimashadu saameyso maxaa ugu talo-gasheen? Dhaawaca ma waxaad u heysaan cisbitaallo haqab-tiro qalliinkooda iyo baxnaanintooda? Mise qaaraan baad isku halleyneysaan iyo tollaayeey?”

Labadii siyaasiyiin way aamuseen. Waxaa uu weriyihii indhaha la raacay kombiyuutarkiisii oo cod kore ku akhriyay faallo kooban oo uu qof ku soo qoray Facebook. “War ragga u sheeg haddiiba ay dhaqaalo lagu dagaallamo hayaan waxaa mudnaanta leh shaqo-abuur, waddo-dhis, iyo la-dagaallanka gaajada iyo abaaraha. Waxaan ahay labaatan jir ku naafoobay shil gaari waddooyinka oo xun awgood.”

Saa weriyihii oo hadalkii sii wataa yiri, “Bal aan dhaqtarka ku leexdo. Mudane wax ma inooga taaban kartaa burburka dagaallada ka dhasho cilmi-nafsi ahaan.”

Dhaqtarkii oo ka hadlayo aaladda la iska arko ee Skype ayaa yiri, “Horta markii laga hadlayo cilmi nafsiga, waxaa jiro cudurro dhimirka ku dhaco. Shan marxaladood baase soo dedejiyo cudurka dhimmirka. Kow, waa geerida; labo, furriinka; saddex, faqriga; afar, guuritaan; iyo shan, maan-dooriyaha. Haddaba mudanayaasha dhex fadhiyo istuudiyaha waxaan jeclaan lahaa inay labo daqiiqo si fiican ii dhageystaan. Dagaal Soomaali ka dhex dhasho qasaarihiisa walaa Somaliland walaa Puntland uma babac dhigi karaan. Shantaa qodob aan bal is dul taago afarta ugu horreyso.”

Waxay siyaasiyiintii wada eegayeen dhaqtarkii oo Skype ka dhex hadlayay.

“Midda koowaad ee geerida ah,” ayuu dhaqtarku hadalka ku billaabay, “markii la isku baabi’iyo dhallintaa murqaha goostay, cilmi-nafsi ahaan qoyskii ay ka dhasheen shaki kuma jiro in geeridu qasaare xagga dhimirka dhib u keeni karto. Midda xigto ee furriinka ah, arrintan kaba sii daran furriin oo marwadii Soomaaliyeed ee awalba ku tiirsaneyd xoogga saygeeda waxaa uur-ku-taallo ku noqoneyso markii loo soo sheego geerida saygeeda iyo aabbihii caruurteeda. Oo weliba inay agoonnimo ku koriso caruurta diyaar uma ahan tabar ahaan. Taa waxay marwadii ku kallifaysaa in iyadoo weli asaaydii xiran ay tahriibto si ay nolol ugu raadiso caruurteeda. Raggan siyaasiyiinta ah ma iyagaa biili doono hooyadaas iyo caruurteeda agoomoobay? Qodobka saddexaad ee ah faqriga, wuxuu faqrigu dadka ku xambaari karaa isku buuq iyo quus iyo aakhirkii qar-iska-tuur.

“Bilaash Cali bin Abii Dhaalib uma oran hadduu jahligu ahaan lahaa qof nool, waan dili lahaa. Qodobka afaraad ee ah guuritaanka waa mid iskiisa carqalad ku noqon karo dhimirka qofka. Ka warranse haddii arrinka aynu ka hadleyno uusan aheyn guuritaan si nabad ah loo guuree uu yahay guuritaan colaadi qasabtay oo qax iyo barakac ah? Barakacayaasha ma guryo aad dejisaan baad ugu talo-gasheen? Mise wax danqasho ah idinkuma hayso ciddii qaxdo iyo ciddii kaleba? Qodobbadan waa un qeybta caafimaadka, qaasatan qeybtiisa dhimirka. Ka warrama haddaba qasaaraha nafeed? Mid dhaqaale? Midka bulsho? Midka bey’adeed? Mareykanka oo dhaqaalihiisu xooggan yahay ayaa ka warwareegto inuu Waqooyiga Kuuriyo ama xitaa Iiraan dagaal la galo. Haddaba dad weli ku tiirsan caawimaad shisheeye maxaa keyd u ah oo ay ku xakameyn karaan dhaqaale ahaan qasaaraha ka dhasho dagaalka oo geeri leh, oo barakac leh, oo asaay-qaad leh, oo faqri iyo gaajo leh? Oo halaag leh?”

Dhaqtarkii wuu aamusay. Intii aysan siyaasiyiintu hadlin ayaa weriyihii hadalka dafay. “Bal intaanan sheekha markiisana fursad siinin, aan idiin akhriyo faalladan uu soo qorey daawade ku nool Hargeysa. Waxayna u eg tahay inuu beddelay heestii ‘Afrikaay Hurudooy’ isagoo sidan u rogay: ‘Hohey Soomaalaay Hurudooy / Siyaasi ku helyay hurudooy / Dhallinyaradaadii hurudooy / Haad baa cunaaye hurudooy.’ Bal sheekh, ku soo dhawoow makarafoonka.”

Sheekhii markuu basmalada akhriyay ayuu wuxuu labadii siyaasiin dhex dhigay su’aal: “Mudanayaal, Xabiibkii Ilaah—sallallaahu calayhi wasallam—wuxuu cimrigiisa ku dhammeystay dhisidda iyo mideynta ummadda Muslimka ah. Qof walba oo naga mid ah wuxuu jecel yahay inuu Xawdkii nebiga ka waraabo—sallallaahu calayhi wasallam. Weji noocma ah ayaad damacsan tihiin inaad ku qaabbishaan Nebi Muxammad—sallallaahu calayhi wasallam—haddii aad colaad dhex dhigteen ummaddiisii Muslimka Soomaaliyeed iyagoo weliba isjecel? Mise su’aashaa waxay un la mid tahay su’aashii dhaqtarka ee aheyd barakacayaasha ma guryaad u dhisteen haddii ay qaxaan? Kama kurbootaan miyaa shacabka? Waan ka baxay.”

Weriyihii wuxuu fursad siiyay siyaasiyiintii. Saa intay muusoodeen ayay af-gobaadsadeen.

“Annagu cidina duullaan kuma nihin,” ayuu yiri mid. “Difaac baynu nahay.”

“Annagu cidina duullaan kuma nihin,” ayuu yiri kii kale. “Difaac baynu nahay.”

Weriyihii madaxa ayuu amakaag la luxayay. Wuxuu isha la raacay faallooyinka laga bixinayay barnaamijkiisa tooska looga daawanayay Facebook. Saa mid siyaasiyiintii ka mid ahaa baa yiri, “Cidina ma dafirsana in dadku walaalo yahay, laakiinse waxaa laysku hayaa waa siyaasad. Aniga iyo jaallahaygan iga soo jor jeedo waan xiriirnaa, oo isla shaaxaynaa. Nac fog nama dhex yaallo – siyaasadse waa halkeedii.”

Weriyihii ayaa la soo booday, “Nac fog haddii uusan labadiinna idin dhex oollin oo aad Mareyknaka si nabad ah ku wada shaaxeysaan, maxaad haddaba nac iyo colaad uga dhex abuureysaan dhallinta oo aad hubka isugu dhiibteen?”

Wadaadkii oo madaxa ruxayaa yiri, “Siyaasiyiineey qabri iyo qasaare la kala badsado faan ma galee shacabka sida u dhaamma. Al-mumin akhul mumin. Idinkuma cusba Xaddiiskan. Dirir ma rabtaan? La dagaallama jahliga iyo faqriga – ciribtirka labadan aafo iska kaashada intii aad shacabka u sii jiidi lahaydeen faqri iyo burbur hor leh. Midna ha hilmaamina, haddii aydaan aqoon sida loo dhiso bulshada Muslimka, ha isku jebininna cududda Muslimka Soomaaliyeed. Ka baxay.”

Waxaa wada qoslay labadii wasiir ee Somaliland iyo Puntland. “Annagu nabadda ayaynu doorbidaynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah labadii siyaasi.

“Annagu nabadda ayaynu doorbidaynaa,” ayuu yiri siyaasigii kale.

Saa weriyihii ayaa hal mar fadhiga farxad uga kacay isagoo akhrinayo war cusub oo lagu soo qoray bartiisa Facebook.

“WAR DEG DEG AH: Tobaneeyo dhallinyaro oo ku abtirsado Ururka Jiilka Cusub ee Somaliland iyo tobaneeyo ku abtirsado Ururka Jiilka Cusub ee Puntland ayaa soo buux dhaafshay jiidda hore ee dagaalka. Waxay dhallinyartii Somaliland muddaaharaad la hor fadhiisteen ciidankii Somaliland; kuwii Puntlandna waxay hor fadhiisteen ciidankii Puntland. Waxay ku hadaaqayeen ‘Doonnimayno dagaal. Doonnimayno burbur.’ Taliyayaasha ciidamadii kala watay ayaa ay arrintaasi ku noqotay……” Markuu weriyuhu inta marinayay akhriska ayaa waxaa hal mar goobtii teleefishinka orod uga baxay labadii siyaasi oo mid walba teleefankiisii ayuu garaacay si uu u xaqiiqsado warkan ka argagixiyay ee ay dhallintu ku kaceen.

Dhaqtarkii markii uu maqlay warkii weriyaha loogu soo qoray boggiisa Facebook ayuu muusooday. Wadaadkiina cimaamaddiisii caddeyd ayuu illin ka soo fakatay isaga tirtirayay.

~Dhammaad~

Qalinkii Cabdullaahi Janno

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Cagalule oo garoowe kaga dhawaaqay in uu ka qayb geleyo Dagaalka Tukaraq
- May 21, 2018
Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali(Cagalule) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa ...
Khayre oo booqday dadka laga soo badbaadiyay Xaafadaha ay saameeyeen daadadkii ka dhashay Roobabka
- May 21, 2018
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer ku tegay degmooyinka ...
TOPNEWS:-Madaxweyne Ku-xigeenkii Khaatumo oo caasimada puntland kaga dhawaaqay in uu ku dagaalka tukaraq qeyb ka noqon doono
- May 21, 2018
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo Mudane Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo goor dhoweyd shir jaraa’id ...