Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Fannaanaddii Khadiijo Cabdullaahi Dalays Oo Ku Geeriyootay Magaalada Toronto Ee Dalka Kanada

Eebbe naxariistii Janno ahayd haka waraabiyee waxaa dalka Canada ku geeriyootay Fanaanadda Soomaaliyeed Khadiijo C/llaahi Daleys oo ka mid aheyd fanaaniinta caanka ah.

Khadiijo C/llaahi Daleys ayaa ka mid aheyd fanaaniinta Hobolada qaranka Waabari, waxaana lagu xusuustaa heeso caan baxay oo ay ku luuqysay.

Fanaanadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsaneysay, waxaana la sheegay inay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Toronto.

Khadiijo C/llaahi Daleys ayaa ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeya ee heesa, sidoo kale waxaa la sheegaa inay aheyd gabadhii u horeeya ee heesta gabdhaha ka soo jeeda koofurta Soomaaliya.

Waxaa ay sanadkii 1936 ku dhalatay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, waxaa ay aheyd fanaanad waddani ah oo jecel Soomaaliweyn,

Khadiijo C/llaahi Daleys ayaa aheyd gabadhii ugu horreysey oo 1952dii hees ka bilowda Radio Moqdisho, waqtigaas oo uusan jirin aalada duubista waxey sameyn jirtey inay timaado idaacada ayey si toos ah (live) u qaadi jirtey heesaha.

Allaha u naxariistee waxaa Fanaaniinta lagu xusuustaa heestii caanka aheyd ee “Muruqiina Maaloo” Dhulka miro ku beeroo Macdanta, dahabka Muujiya wanaaga.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Cagalule oo garoowe kaga dhawaaqay in uu ka qayb geleyo Dagaalka Tukaraq
- May 21, 2018
Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali(Cagalule) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa ...
Khayre oo booqday dadka laga soo badbaadiyay Xaafadaha ay saameeyeen daadadkii ka dhashay Roobabka
- May 21, 2018
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer ku tegay degmooyinka ...
TOPNEWS:-Madaxweyne Ku-xigeenkii Khaatumo oo caasimada puntland kaga dhawaaqay in uu ku dagaalka tukaraq qeyb ka noqon doono
- May 21, 2018
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo Mudane Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo goor dhoweyd shir jaraa’id ...