Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRADA:-Madaxwaynaha maamulka Puntland & Madaxwaynaha Soomaaliya oo Kormeeray Xarumo Ganacsi oo ku yaala bosaaso

Madaxwaynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa  ayaa waxaa ay si wada jir ah xadhiga uga jareen dhisme cusub oo shirkada Golis ay ka hirirgelisay magaalada Boosaaso  iyo Viber Obtic oo ah khad internet  oo badda lasoo mariyey kana hawl gelidoona  gobolada Puntland.

Madaxwaynaha  Puntland ayaa waxaa ku wehelinayay munaasabada xadhig-kajarka Madaxwaynaha DF Soomaaliya, maamulka degmada Boosaaso, maamulaka gobolka Bari ,masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Puntland, iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, ganacsato, waxgarad. iyo maamulka shirkada isgaarsiinta Golis.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya ayaa si wada jir ah xadhiga-ujaray dhisme cusub oo todoba dabaq ah oo shirkada is gaarsiinta ee Golis leedahay.

Madaxwaynaha  Puntland oo munaasabada xadhig jirida ka hadlay  ayaa waxaa uu sheegay in shirkada Golis ay wax badan oo horu-mar ah ku soo kordhisay Puntland, isla mar ahaantaana waxa uu Madaxwaynuhu sheegay in dhismahan maanta xadhaiga laga jaray uu la  mid yahay dhismayaasha casriga ah ee adduunka.

Madaxweyne Puntland ayaa waxa uu si aad ah ugu mahac celiyay ganacsatada ku dhiiraty in ay dhismayaal noocaas ah ka hirgeliyaan Mgaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Sidoo kale Madaxwaynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Frmaajo  oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in uu xadhiga ka jaro dhismahaan casriga ah ee shirkada Golis ay ka hirgelinayso magaalada Bosaaso, dhismahan oo ka kooban 7 dabaq ayuu Madaxwaynaha DF Soomaaliya sheegay in ay farxad gaar aha utahay in dalka lagu soo kordhiyo.

Dhinaca kale qaar kamid qado sharaf lagu maamuusay Mdaxweynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxaa usameeyey Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah isimada Puntland, sidoo kale qado sharafta ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaasha Dawladda Federalka Soomaaliya iyo golayaasha Dawladda Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya ayaa uga mahad celiyay Ugaaska qada sharafta uu ku maamuusay, isla marhaantaana bogaadin iyo mahad balaadhan usoo jeediyey dadweynaha gobolka Barrie e sida diiran usoo dhaweeyey.

Ugu danbayn Madaxwaynaha Dawladda Puntland  iyo Mdaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay socod ku soo mareen qaar kamid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso iyagoo ka adeegtay goobta adeega ee Al Macruuf oo ah goobaha ganacsi ee ku yaala magaalada Boosasso, isla mara-ahaantaana waxa ay wefdigu tagaeen Beerta Maandeeq oo ah goob dhalinyaradu isugu timaado iyaga oo halkaasi kula kulmay kumanaan dhalinyarada magaalada Boosaso ka mid ah, kuwaasi oo halkaasi kula qaadanayey maalinta Jimcaha ee fasaxa lagu jiro.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Puntlander says:

    Masha Allah mudane madaxwayne




ad

Latest News

DHAGEYSO:-:-Kal-Fadhiga 4aad Ee Aqalka Sare Oo Furmay & Arimaha Looga Hadli Doono
- Oct 15, 2018
Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare ayaa si rasmi ah u furmay iyadoo  munaasabadda furitaanka ...
MUUQAAL:-Madaxweynaha Somalia oo ku guuleystay heshiisiinta Maliishiyo beeleedyadii Marko ku dagaalamayay
- Oct 15, 2018
  https://www.youtube.com/watch?v=A0eNyPug_XA
DHAGEYSO:-Taliska CXD Oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Deeynuunaay
- Oct 15, 2018
Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Deeynuunaay oo Magalada Baydhabo u jira 26km,waxaana ...