Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRADA:-Turkiga iyo soomaaliya oo heshiis kala saxiixday

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) iyo wefti uu hogaaminaayo oo maalin ka hor gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta heshiis la saxiixday Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa wafdigiisa waxa ay ka kooban yihiin 13 xubnood oo ka socda Sedex iyo toban wasaradood iyo afar wasiir oo uu ugu horeeyo Wasiirka Cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),

Mudane Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo wafdigiisa ayaa waxa ay Magaalada Ankara uga qeyb gaeen Shirka Iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkey-ga oo markii ugu horreysay ka dhacay dalka Turkey.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo dhigiisa dalka turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga Ganacsiga labada Dowladood, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin labada Dowladood ka kala tirsan.
Heshiiskan iskaashi ayaa Dhigaya In Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga si Ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia Sidoo kale Turkiga waxay qaadan donaan oo Suuq u yeeli donaan Khayraadka Somalia sida Kaluumaysiga, Beeraha iyo Xoolaha.

Turkiga waxay iibsan doonaan oo ay la wareegi doonaan Mooska, Liinta la qalajiyay, Sisinta iyo Kaluunka waxaana heshiiskan kala saxiixday labada Ra’iisal Wasaare ku xigeen ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Saleebaan xagla toosiye oo war lama filaan ah Ku dhawaaqay iyo in uu tagayo garoowe
- Jun 19, 2018
Wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka maamulka Soomaaliland Dr Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ayaa ka hadlay ...
DAAWO SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo Oslo Kula Kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
- Jun 19, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Oslo ee dalka ...
MUUQAAL:-Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan”Hadii aan sool laga saarin somaliland nugaal ayay imaan doonaan”
- Jun 19, 2018
Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Maaliyada Puntland DR. Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo ...