Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynaha soomaaliya oo gaaray deegaanka Carmo ee Gobolka Bari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalitya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray deegaanka Carmo ee Gobolka Bari,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Safarka madaxweynaha oo ah mid dhanka lugta ah waxaa ku wehlinaya madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan golayaasha kala Duywan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Dad weyn aad u fara badan oo ruxayay caleemo qoyan ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa deegaanka Carmo ku soo dhoweeyay,kuwaasi oo ku faraxsanaa safarka madaxweynaha ugu yimid.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa la kulmay qeybaha kaladuwan ee bulshada iyo waxgaradka deegaankaasi,isago uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhaweeyeen.

Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa deegaanka uga sii amba bixi doona magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,halkaasi oo amaankeeda si aad ah loo adkeeyay,iyadoo shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso xiligan u diyaarsan yihiin soo dhoweynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo wafdiga uu hogaaminayo.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO SAWIRADA:-Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Mudulood oo taageeray Gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir
- Jan 21, 2018
Makhaayada Beach View ee Xeebta Liido  waxaa ka dhacday munaasabad balaaran oo lagu soo ...
DHAGEYSO:-Madaxweynaha soomaaliya oo booqday jaamacaha ku yaala caabudwaaq
- Jan 21, 2018
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somalia oo Maanta Munaasabad kaga qayb galay Xarunta Jaamacadda Umadda Faraceeda Caabudwaaq ayaa ...
DHAGEYSO:- Axmed yuusuf yaasiin”madax dhaqameedka Somaliland waa in xeer cusub loo sameeyo siyaasadii dalka ayaay ku dhex jiraan”
- Jan 21, 2018
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland axmed yuusuf yaasiin ayaa si adag uga hadlay ...