Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL:- C/raxmaan Faroole oo sheegay in Garoonka Cusub ee Garoowe Lacagtii lagu dhisay ay Saxiixday Xukuumaddii Shirdoon

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo dhawaan khudbad ka jeediyay furitaanka Garoonka cusub ee diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa si faahfaahsan uga waramay marxaladihii uu Garoonku soo maray.

Waxaa Dr. Faroole uu sheegay in Garoonka Cusub ee Garoowe ay bilowday Dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa allaha u naxariistee Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, hase yeeshee sanadkii 2010 markii uu ahaa Madaxweynaha Puntland la dhamaystiray dhismihiisa.

Waxaa Cabdiraxmaan Faroole uu sidoo kale sheegay in Dawladdii Sheekh Shariif ee Ra’isulwasaaraha ka ahaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) laga dalbaday in saxiixdo lacagtii lagu furi lahaa, hase yeeshee ay fasaxeen oo kaliya Garoonka Hargeysa.

Ugu dambayn Dr. Cabdiraxmaan Faroole waxaa uu khudbadiisa ku sheegay in Garoonkaan Cusub ee loogu magac daray Gen. Maxamed Abshir Muuse, bishii Maarso 2013 dii Lacagtii lagu dhisay ay saxiixday xukuumaddii uu Ra’isulwasaaraha ka ahaa Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)..

Daahir F. Afdheere
Email. owsame@yahoo.com
—————————————
Saadaal.com
Saadaalnews@gmail.com

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Faryaamo says:

    Laakiin waxa uu ku darey inuu laaluush uu siiyey. Faroole waa kaa




ad

Latest News

MUUQAAL:-Muxaadarada Sheekh Keenyaawi & arimaha uu uga hadlay
- Jan 18, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=Yto6Tp3dBNA&feature=youtu.be
DAAWO SAWIRRO:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo Kula Kulmay Shacabka KGS
- Jan 18, 2019
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa Maanta ka Jeediyay Masaajidka Madaxtooyadda ...
Guddoomiyihii Dhalinyarada Degmada Hodan Oo La Dilay
- Jan 18, 2019
Koox hubeysan ayaa waxa ay rasaas ku fureen Guddoomiyihii Dhalinyarada degmada Hodan,xilli uu kasoo ...