Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRADA:- Madaxwaynaha Soomaaliya labo malmood joogi doona Magaalada Qardho

Madaxwaynaha  Puntland Dr.Cabdiwe Maxamed Cali Gaas  iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa  ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho .

Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa soo dhawayntooda ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar .

Madaxwaynaha iyo wefdigiisa yaa kahor inta aanay soo gaadhin magaalada Qardho waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay degmada Dangorayo ,halkaas oo ay kasoo dhagax dhigeen waddo laami ah oo isku xidhidoonta magaalooyinka Dangorayo iyo Eyl .

Madaxwaynaha  dawladda federaalka ee Soomaliya iyo Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Qardho waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay, gudoomiyaha Gobolka Karakaar , duqa degmada Qardho , qaar ka mid ah Golayaasha dawladda Puntland, iyo dawlaadda federaalka Soomaaliya , isimo, Salaadin , Cuqaal , waxgarad iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho .

Dhinaca kale Madaxweynha Dawladda Puntland Iyo Madaxweynaha DF ee Soomaaliya  ayaa waxaa ay ka hadleen munaasabadii soo dhawaynta ahayd  ee loogu sameeyay magaalada Qardho , iyagoo bulshada kala hadlay goob fagaara ah oo ay isgu yimaadeen kumanaan ka mid ah bulshda gobolka Karkaar  waxayna uga mahad-celiyeen soo dhawaynta balaadhan ee ay ku Maamuuseen .

Sidoo kale Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxa uu hadhima-sharafeed usameeyay Madaxweynaha Dawladda Puntland  iyo Mdaxwaynaha DF Soomaaliya , isla mar ahaantaana waxaa uu boqorku hadiyado  hiddaha iyo dhaqanka ah oo uu ugu talagalay in uu ku Maamuuso Gudoonsiiyay  Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya iyo weliba siyaasi Salaad Cali Jeele.

Boqorka ayaa wax uu halkaasi ka jeediyay hadalo mahad naq ah oo uu kusoo dhawayanyo Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha Dawladda FD soomaaliya .

Ugu danabayn Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliaya ayaa waxa ay dhagax-dhigeen dhisme ay yeelan doonto jaamacadda umadda soomaaliyeed faraceeda magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madaxweyne gaas”imaaraadka in aan tageerno danta soomaali oo dhan ayaa ku jirta”
- Apr 19, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas  ayaa magaalada bosaaso waxaa loogu sameeyay kulan lagu soo ...
DHAGEYSO:-Wasiirka Amniga oo Su’aalo Lagu weydiyay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya
- Apr 19, 2018
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa golaha wasiirka lagu weydiiyay su'aalo ku saabsan amaanka caasimada waxaana ...
DHAGEYSO+SAWIRO:-Shirka Gollaha Wasiiradda Soomaaliya oo lagu Ansxiyay Tubta Arrimaha Bulshadda iyo Xeer Mamnuucya Jarida Dhirta iyo Dhoofinta Dhuxusha.
- Apr 19, 2018
Shirkii Caadiga ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...