Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Wafti ka socda Dawladda Fedaraalka ah iyo Amisom oo maanta gaaray magaalada Garbahaarey

Wafti heer sare ah oo ka socda Dawladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee Xarunta gobalka Gedo, kuwaasoo si weyn looga soo dhaweeyay halkaas.

Waftigaan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiiru-dawlaha Gaashaanidhigga ee Dawladda Fedaraalka ah Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidamada Nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika Gen. Cismaan Nuur Subagle.

Waxaa waftigaan si diirran magaalada Garbahaarey ugu soo dhaweeyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan maamulka Jubbaland oo horey ugu sugnaa magaalada Garbahaarey, sida Wasiirka Caddaaladda Dastuurka iyo Arimaha Diinta ee Jubbaland Aadan Ibraahim Aw-xirsi iyo Wasiiru-Dawlaha Aminiga ee Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil.

Waxaa ugu dambayn waftigaan ay magaalada Garbahaarey ku qabteen kulan looga hadlayo xaaladda amniga ee gobalka Gedo iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro ururka Alshabaab iyo sidii dhaqan celin loogu sameyn lahaa dhalinyarada ka soo goosata Alshabaab, dhismaha ciidan boliis oo tayo leh iyo arimo kale oo badan.

HOOS KA DAAWO MUUQAAL

 

 

Daahir F. Afdheere

Email.owsame1@yahoo.com

———————————

Saadaal.com

Saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madaxweyne gaas”imaaraadka in aan tageerno danta soomaali oo dhan ayaa ku jirta”
- Apr 19, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas  ayaa magaalada bosaaso waxaa loogu sameeyay kulan lagu soo ...
DHAGEYSO:-Wasiirka Amniga oo Su’aalo Lagu weydiyay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya
- Apr 19, 2018
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa golaha wasiirka lagu weydiiyay su'aalo ku saabsan amaanka caasimada waxaana ...
DHAGEYSO+SAWIRO:-Shirka Gollaha Wasiiradda Soomaaliya oo lagu Ansxiyay Tubta Arrimaha Bulshadda iyo Xeer Mamnuucya Jarida Dhirta iyo Dhoofinta Dhuxusha.
- Apr 19, 2018
Shirkii Caadiga ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...