Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dhageyso+Sawirro:-Golaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Qaaday Guriga Cabdi Qeybdiid

kalfadhigii labaad kullankiisii 22-aad ee Golaha Aqalka Sare waxaana looga hadlayaa labo qodob oo ah Miisaaniyada Dowladda ee 2018 taas oo ay soo meel mariyeen Golaha Shacabka iyo Weerar lagu qaaday Guriga Senater Cabdi Cawaale Qeybdiid.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Mudanayaasha siiyey Warbixin ku saabsan Muusaaniyada, waxaa uu sheegay in aan Golaha wali la-horkeenin qalaad dhacay awgeed.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in uu Madaxweynaha Dowladda kala hadlay arrintan uuna u sheegay in uu soo saari doono Bayaal taas oo ku cadeynayo in labada Gole ee Baarlamaanka soo meel mariyaan Miisaaniyada balse hada uu ka codsanayo in uu xasiixo Miisaaniyada waqti oo dhacay owgiis

 

“Waxaan la-kulmay Madaxweyne Farmaajo waxaana uu iga codsaday in uu Miisaniyada Saxiiixo uuna ogsoon yahay in qalad dhacay hadana waxaan idiin soo gudbinayaa Codsiga Madaxweynaha, Dalku waxaa uu u baahan yahay in uu Miisaaniyad helo waxaana hadleynaa Danta guud ee Dalka mana jirto Miisaaniyad aan hada ka hadleyno”.

Intaas kadib waxaa Mudanayaasha Aqalka Sare Cod gacan taag ah u qaadeen in uu Madaxweynaha Dowlada uu Saxiixo Miisaaniyada waxaana ogolaatay 26, waxaa ka aamusay 3 wax diidayna majiraan.

Dhanka kale waxaa uu ka dooday Weerarkii lagu qaaday Gurig Senatar Cabdi Xasan Cawaale

 

“Waxaan soo marnay iyada oo ragga Ciidanka Madaxda u ah Gacmahooda ku wataan Madaxkamada wixii ay rabaa ay sameeyaan arrin fuulxun runtii waxaana soo jeedinayaa in wax muuqda Dowladdu ka qabato, waxan rabnaa in loo yeero Wasiirka Amniga si-wax looga weydiiyo arrimaha dalka ka dhacaya” Senatar Yuusuf Geele Ugaas.

Waxaan canbaareeyna arrinta dhacday runtii fal xun ayaa dhacay taas kadib waa in lahelaa dhibaatada meesha ay katimid waxaan soo marnay dhibaato badan waa in aan dib u laaban” Senater Saciido Xasan Cismaan.

Waxaa larabaa in leyska horkeeno Dadka iyo Dowlada taasna waxaa loo bahan yahay in laga fekero Ciidanka Gurig weeraraynm waxay ka amar qaataan Saraakiil waa in kuwaas lasoo xiro, waxaan kaloo Codsanaa in lasoo magacaabo Taliyaha Nabad Sugida”. Senater Faadumo Xasan Aadan.

Waxaan Codsanaa in loo yeero dhamaan Masuuliyiinta Amaanka si-arrintan wax looga qabto” Senater Iftin Xasan Iimaan.

“Waxaa dhacay arrin fuul xun oo laga xishoodo Amaanka Gobolka Banaadir waa in lagu wareeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir maxaa yeelay asiga ayaan toos ula xisaabtameynaa” Senater Jawaahir Axmed Cilmi.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada Kulanka

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-khasaare xoogan oo ka dhashay dagaal ka dhacay magaalada Dararweyne
- Jan 21, 2018
Iska hor imaad xoog badan ayaa magaalada Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ...
DAAWO SAWIRADA:-Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Mudulood oo taageeray Gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir
- Jan 21, 2018
Makhaayada Beach View ee Xeebta Liido  waxaa ka dhacday munaasabad balaaran oo lagu soo ...
DHAGEYSO:-Madaxweynaha soomaaliya oo booqday jaamacaha ku yaala caabudwaaq
- Jan 21, 2018
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somalia oo Maanta Munaasabad kaga qayb galay Xarunta Jaamacadda Umadda Faraceeda Caabudwaaq ayaa ...