Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AKHRISO:- Golaha Shacabka oo ku gacan-seyray dalabkii ahaa in Laba xildhibaan xasaanadda lagala noqdo

Guddiyada Joogtada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan uu maanta ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ka soo saaray Qaraar ku aadan xasaanad ka qaadista Xildhibaano uu dhowaan soo eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir.

Kulakan oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa laga soo saaray qaraar dhowr qodob ka kooban.

Guddiga Joogtada ayaa waxaa isku raacay in la joojiyo soo jeedinta ku saabsan xasaanad ka qaadida Xildhibaanada oo ka timid Xeer Ilaaliyaha Qaranka, kaasoo dhowaan soo eedeeyay Xildhibaan Xasan Macalin iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuure.

Sidoo kale Guddiga Joogatada ayaa sheegay in maadaama aanu jirin sharci gaar ah oo tilmaamaya nidaamka ilaalinta xasaanada, habraaca loo marayo  xasaanad ka qaadida Xildhibaanada iyo habraaca loogu gudbin lahaa kulanka guud ee Golaha shacabka.

Qaraarka ka soo baxay Guddiga Joogtada ayaa si cad ah uga hor-imaanaya eedihii uu Xeer Ilaaliyaha Qaranka ku soo oogay labada Xildhibaan oo ahaa Qaran dumis iyo khiyaano qaran iyo baaritaanka Xafiiska Xeer Ilaalinta waday, oo qaarkood ay sheegtay inay caddeymo u heyso.

Akhriso Qaraarka ka soo baxay Guddiga Joogtada:-

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Somaliland Oo Ku Dadaalaysa Iney Hesho Aqoonsi Daleed
- Oct 20, 2018
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah gollaha wakiillada Somaliland ayaa hadlay arrimo ...
DHAGEYSO:- Fallanqeyn Ku Saabsan Shirkii Golaha Wasiirrada Somalia & Sababta Madaxweyne Farmaajo Uga Qayb Galay
- Oct 20, 2018
Madaxda dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa hadallo kale duwan ka jeedisay ...
DHAGEYSO:- Aqoonyahan faysal cabdi rooble oo si durugsan u falanqeeyay daala dhaca & deg dega siyaasada arimaha dibada ee dowlada somalia
- Oct 20, 2018
Waraysigan Faysal Cabdi Rooble siiyey Golaha1960 iyo Websaydhada ay wada shaqeeyaan wuxuu ku iftiimiyey ...