Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:- Wasiir Aadan Aw-Xirsi “27 Sanno ka dib waxaan dhisaynaa Garsoorka, Maxkamadaha iyo Xeer ilaalinta  Gobolka Gedo”

Maalmahan dambe waxaa ku sugnaa degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo Wafdi uu horkacayey Adan Ibrahiim Aw Xirsi oo ah Wasiirka Cadaalada Dastuurka iyo Arimaha Dinta ee Jubbaland,ujeedada Safarka saqo ee wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in ay la xariirto sidii degmooyinka Gobolka Gedo looga hergelin lahaa Hay,adaha Garsoorka iyo furitaanka  Xero lagu tababari doono Booliska degmooyinka Gobolka Gedo.

Wasiirka Cadaalada Dastuurka iyo Arimaha Dinta Jubbaland Aadan Ibrahiim Aw Xirsi oo u waramayey Radio Markabley ayaa sheegay safarka ay ku yimaadeen Garbahaarey in uu lahaa seddex ujeedo oo ay ka mid yahiin,dhismaha hay,adaha Garsoorka Gobolka,furitaanka Xero Tababar oo lagu tababarayo Ciidamada Booliska Jubbaland ee degmooyinka Baardhere,Garbahaarey iyo Buurdhubo iyo ujeedada seddexaas ayuu ku tilmaamay  dadka inaan uga warano marxaladaha siyaasadeed iyo doorashooyinka soo socda sida ay ugu dhici doonaan Jubbaland.

Wasiir Aadan Awxirsi ayaa waxuu rajo wanaagsan uu ka muujiyey qaababka ay u socanayaan howlaha saqo ee ay ku joogaan Garbahaarey,isagoona sheegay in dhamaan ay mari doonaan degmooyinka kale ee Gobolka ,Islmarkaana ay ka dhisi doonaan hay,adahii Garsoorka,sida maxkamadaha,Xeer ilaalinta iyo Xabsiyada,adeegyadaasi ayuu tilmaamay bulshada degan Gobolka in ay baahi weyn u qabeen sanado badan.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA

 

Axmed Cumar Saalixi

Baardheere, Gedo

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-:-Kal-Fadhiga 4aad Ee Aqalka Sare Oo Furmay & Arimaha Looga Hadli Doono
- Oct 15, 2018
Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare ayaa si rasmi ah u furmay iyadoo  munaasabadda furitaanka ...
MUUQAAL:-Madaxweynaha Somalia oo ku guuleystay heshiisiinta Maliishiyo beeleedyadii Marko ku dagaalamayay
- Oct 15, 2018
  https://www.youtube.com/watch?v=A0eNyPug_XA
DHAGEYSO:-Taliska CXD Oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Deeynuunaay
- Oct 15, 2018
Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Deeynuunaay oo Magalada Baydhabo u jira 26km,waxaana ...