Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

KACAANKII DUCADA  W/Q:- Cabdullaahi Janno

Aafooyinka ka dhashay dagaallada sokeeye waxaa ka mid ah lumista halbeegga iyo qiyaaska. Aaladdii wax lagu cabbirayay waxay la daxaleysatay labo cudur midkood—ama labaduba: jahli iyo qabyaalad. Jahliga dawadiisu waa cilmi. Sahal! Qabyaalad aqoonyahan kaa gashayse maxaa dawo u ah? Waxaa dawo u ah Alle oo laga heybaysto. Waxaa dawo u ah yaqiinta Alle. Waxaa dawo u ah in la jeclaado Muslimiinta oo dhan. Waxaa dawo u ah in la fahmo asxaabtii iyo fiiro-dheeridooda—radiyallaahu canhum.

Soomaaliya waxay gashay xaalad aad u qallafsan. Nasiib wanaag, waxaa ballan-qaadyada Alle ka mid ah in markii ay xaaladdu gaarto “Mataa nasrullaah?” (Goormuu iman gargaarkii Eebbe Weyne?), wuxuu Quraanku ku jawaabay: “Alaa inna nasrallaah qariib!” (Shaki la’aan, gargaarka Eebbe wuu dhow yahay.)

Akhristaha sharafta lahow, shaxdan ila arag. Kana soo qaad inaad adigu tahay qofka u xilsaaran xalka iyo kala-furdaaminta shaxdan cakiran, shaxdan boqono-goyska ah. Waxaa midig kuu soo fadhiistay Sacuudi iyo Imaaraat oo midna ku oranayo dekedaha ii saxiix, midna ku oranayo dalkii aan naco ila nac. Waxaa bidix kuu soo fadhiisatay Mareykanka oo ku yiri waxaan kaa jarayaa kaalmada ciidamadii amniga iyo difaaca kuu hayay. Waxaa hortaada kuu soo fadhiisatay al-Shabaab oo weerar ah. Dhabarka waxaa kuu soo istaagay rag Soomaaliyeed oo hagardaamo kula doonayo iyo inay af-gembi kuu tuuraan si ay dekedaha iyo kheyraadka dalka ugu xalaaleeyaan waddamo shisheeye.

Akhristaha karaamada lahow, midig iyo bidix iyo horey iyo gadaalba ma lagu hareereeyay? Meel aad u baxsato ma kuu muuqan weysay? Dal ama dibed kii aad joogtidba ma dareentay ciil? Ma jeclaan laheyd inaad dalkaaga hooyo wax u qabato? Misana ma dareentay inaadan awood laheyn? Ma kaa gaartay inaad tiraahdo, “Mataa nasrullaah?” (Goormuu iman gargaarkii Eebbe Weyne?).

Ha argagixin. Bishaareyso! Kaalay ila arag cilladda shaxdu leedahay.

Intaas caqabadood ee dalkaaga hareereeyay ma taqaan cilladda ugu weyn ee shaxdooda laga hilmaamay? Haa. Cillada ugu weyn ee ay shaxdoodu leedahay waa inaysan kala oodin adiga iyo samada (mana idinkala oodi karaanee). Samada ayaa kuu furan. Samada ayaa loo baxsan karaa. Samada ayay guushu kaa jirtaa. Samadu waa meeshii ay ka soo degtay Aayaddii mugga iyo murtida laheyd ee oraneysay, “Wa makaruw, wa makarrallaahu, wallaahu kheyrul maakiriin” (Wax bay dhagreen, Ilaahna qorshe ayuu dejinayaa. Alle ayaana ugu wanaagsan cid qorshaha dejiso.).

Dalkaaga hooyo tabar isagoon laheyn ayuu ciddiyaha ku dagaallamayaa. Wuxuuna la dagaallamayaa sokeeye iyo shisheeye isku soo biirsaday. Ogow waxaa shisheeyaha kuu legdaya waa sokeeye kula af iyo diir iyo diinba ah – laakiin aragti ahaan iyo mabda’ ahaanba ka ah daneyste iyo shisheeye-kalkaale. Dalna ma dhiso; durisna ma daayo.

Hordhaca qeylo-dhaantan waxaan ku xusay in la daraaseeyo oo lagu daydo hab-dhaqankii Asxaabtii aynu ka dhaxalnay dhaxalkii ugu qaalisanaa – waana Islaamka,e. Waxaana idinkaga tegayaa hal qiso.

Ma xasuusataa Cumayr ibn Sacad?

Wuxuu ahaa asxaabi 10 jir ah. Wuxuu la noolaa adeerkiisa oo qabay hooyadiis. Adeerkiisa wuxuu ku hadlay ereyo lid ku ahaa Xabiibkii Ilaah—sallallaahu calayhi wasallam. Wiilkii yaraa isma dhibine wuxuu aaday Nebi Muxammad—sallallaahu calayhi wasallam—oo wuxuu ku yiri hadal nuxurkiisu ahaa, “Rasuulkii Allow adeerkeey hadallo xun ayuu kugu xantay.” Taa macnaheedu waxay ka dhigan tahay in adeerku ahaa munaafaq.

Arrintii waa ay faaftay, oo magaaladii gilgishay. Adeerkii wuu beeniyay. Wiilkii yaraa dhulkii ayaa ciriiri ku noqday, oo wuxuu u ekaaday qof beenlow ahaa. Hayeeshee ma xasuusaataa Aayaddii aheyd, “Mataa nasrullaah?” (Goormuu iman gargaarkii Eebbe Weyne?). Mase xasuusataa jawaabtii aheyd, “Alaa inna nasrallaah qariib!” (Shaki la’aan, gargaarka Eebbe wuu dhow yahay.). Wuxuu Guuluhu soo dejiyay Aayad wiilkii u hiillisay, oo ku markhaati furtay in adeerku ahaa munaafaq. Laakiin waa nin nasiib badnaayee ninkii adeerka ahaa markii Samada laga kashifay oo Waxyigu caddeeyay munaafaqnimadiisa ayuu isaguna towbad keenay.

Akhristaha mudnaanta lahow, maxaa kaaga baxay qisada asxaabigaas Cumayr ibn Sacad ee 10 jirka ahaa?

Wiilku uma jixinjixin xigto iyo qabiil midkoodna mar haddii ay xigtadu dureyso hal-doorkii ummadda oo uu ugu weyn yahay Xabiibkii Alle—sallallaahu calayhi wasallam. Wiilkaa wuxuu u hiilliyay danta guud ee Muslimka—iyo qaasatan maamulkii Muslimiinta u soo hanaqaaday ee Madiinatul Munawwarah.

Waa su’aalee adiga dalkaaga hooyo oo uu xasadku go’doominayo maxaad u qaban kartaa isla maantadan? Intaan la gaarin waxqabad kale, hal arrin ayaad isla daqiiqaddan qaban kartaa.

Duco!

Haa. Waa ducada.

U ducee dalkaaga hooyo.

Samada way furan tahayee u ducee. Salaatul-leyl hal habeen u kac oo u ducee. Salaadaha ka bacdi u ducee. Sujuudda dhexdeeda ugu ducee.

Ballanteennu waa ducada. Ballanteennu waa kacaankii ducada. Waana ballan inuu Guuluhu nasri keenayo.

Waa ballan.

Ballan.

Taa yaqiinso.

Qalinkii: Abdullahi Janno

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-:-Kal-Fadhiga 4aad Ee Aqalka Sare Oo Furmay & Arimaha Looga Hadli Doono
- Oct 15, 2018
Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare ayaa si rasmi ah u furmay iyadoo  munaasabadda furitaanka ...
MUUQAAL:-Madaxweynaha Somalia oo ku guuleystay heshiisiinta Maliishiyo beeleedyadii Marko ku dagaalamayay
- Oct 15, 2018
  https://www.youtube.com/watch?v=A0eNyPug_XA
DHAGEYSO:-Taliska CXD Oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Deeynuunaay
- Oct 15, 2018
Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Deeynuunaay oo Magalada Baydhabo u jira 26km,waxaana ...