Xildhibaan Sagal Biixi oo si kulul uga hadashay Xad-gudubka ay Dawladda Kenya ka geysanayso magaalada Baledxaawo
Xildhibaan Sagal C/risaaq Isaaq Biixi oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka ah ee laga soo doortay deegaanada gobalka Gedo ayaa si kulul uga hadashay xad-gudubka la xiriira dhinaca xudduudaha ah ee ay dawladda Kenya ka geysanayso magaalada Baled-xaawo.
Qoraal kooban oo ay xildhibaan Sagal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in Dawladda Kenya ay musuuliyaddeeda qaadan doonto wixii dhib ah oo ka yimaado xad-gudubka ay kusoo samaysay xuduudda magaalada Baled-xaawo, isla markaana lagala xisaabtami doono.
Waxaa xildhibaanaddu ay sidoo kale sheegtay in tallaabada ay Dawladda Kenya kula kacayso shacabka magaalada Baledxaawo ay tahay mid ka hor imaanaysa xuquuqda muwaadiniinta ku dhaqan degmadaas.
Dawladda Kenya ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay darbi ka dhisaysay xadka ay la wadaagto gobalka Gedo, hase yeeshee sida la xaqiijiyay dhismaheeda gudaha usoo galisay qaybo ka mid ah magaalada Baledxaawo, taasoo sababtay inay kacaan shacabka magaalada, isla markaana dhagxaan kula diriraan ciidamada Kenya.
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN SAGAL BIIXI
Daahir F. Afdheere
————————————–
Saadaal.com
Saadaalnews@gmail.com
KENYA WAXAA LAGA YAABAA IN AY DOONAYSO SIDII XUDUUDA BADDA” AY SOO DURUGSALAHAD.
WAXAY DOONAYSAA (NFD) IYO JUBOOYINKA IN AY BEENBEEN KUDHEXJOOGTO?
WAXAANA NASIIB DARO AH IN MAAMUL KUSHEEGII (ODAY MADOOBE) KAHADLIN XADGUDUBKAAS FOOSHA XUN EE KENYA KU DAANDAANSANAYSO? SIDOO KALE (FARMAAJO) ISAGUNA KA AAMUSANYAHAY?
WAAD MAHADSANTAHAY (SAGAL BIIXI) HARAY AYAA LOOYIRI KENYA* HAWEENKA SOOMAALIYEED AYAA KUFILAN? CODKAAGU MEEL AAD U DHEER AYUU NOOGUYIMID WAANA GARABTAAGANAHAY SHACABKA GOBOLKA GEDO. EE CASHARKA U DHIGAY DOQOMADA KENYA EE SOO XADGUDBAY?
HADII AY SOONOQDAANA QASAARE AAD U WEYN AYAY LAKULMIDOONAAN? DHULKA SOOMAALIWEYN WAA LAMATAABTAAN?
SIXID: HORAY AYAA LOOYIRI HAWEENKA SOOMAALIYEED AYAA CIIDAMADA KENYA KUFILAN?
AMA KA XOREENKARA DHULKA SOOMAALIYEED.
ascm abdiqani. sxb Kenya waa dalkaadii waxmoogoow xusuuso Farmaayo ,inlayiri waa nin martiku ah Xamar Axmed modoobe waa xor Farmaayo dhulkiisa hooyo waa Jubbaland iyo NFD walaal hawiye dhul managadhaxaynkaro ilaa ayraaligalin bixiyaan ooy ogaadaan in dadka lawadaleeyahay Farmajo iyo axmed waxay oogahadli layahiin waa saas ee maankaadagali .