Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Diyaarado Dagaal Oo Duqayn Ka Geystay Shabeelada Hoose

Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka geystey tuulo dhinaca Koofureed ka xigta magaalada Muqdisho waxaana duqeyntan lala beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.

Duqeyn ay geysteen diyaarado aan la aqoon halka laga leeyahay ayaan la aqoon khasaaraha ka dhashay.

Ma jirto cid sheegatay duqeyntan inay ka dambeeyeen hase ahaatee dowlada Maraykanka ayaa kordhisay duqeyntii ay ka geysanayeen dalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/hoose Cali Nuur ayaa u sheegay Reuters in duqeyntan lala beegsaday gaari ay saarnaayen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo marayay meel ku dhow deegaanka Ilimey oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Hase yeeshee Afhayeenka ciidamada Al-shabaab ayaa beeniyay in la duqeeyay gaari ay lahaayeen Al-Shabaab balse waxa uu sheegay in goob lagu ganacsado ay gantaalo ku dhaceen ayna ku dhinteen illaa 7 ruux oo rayid ah qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO SAWIRO:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo kulan wadatashi ah la qaatay Culimada soomaaliyeed
- Feb 22, 2018
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan ...
VIDEO:-Raiisul wasaaraha soomaaliya”Ciidanka Asluubta wuxuu ka mid yahay tiirarka qaranimada & dowladnimada Soomaaliya”
- Feb 22, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay munaasabad ...
AKHRISO:-Shirka Goloha Wasiiradda soomaaliya oo looga hadlay qodobo xasaasi ah
- Feb 22, 2018
Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu ...