Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRADA:-Madaxweynaha Jubbaland Oo Qado Sharaf U Sameeyay Xulka kubada Cagta Jubbaland Ee Ka Qayb-galaya Ciyaaraha Dowlad-Goboleedyada Dalka Iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qado sharaf Magaalada Muqdisho ugu sameeyay Ciyaartooyda Xulka kubada Cagta Jubbaland ee ka qayb galaya Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo lagu qabanayo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada Aqal iyo masuuliyiin kale ayaa munaasabadan ka qayb galay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu rajaynayo in Xulka kubada Cagta Jubbaland ay ku guulaystaan koobka Dowlad Goboleedyada dalka isla markana ay muujiyaan niyad wanaag iyo habdhaqan wanaagsan marka ay garoonka ku jiraan.

Madaxweynahu wuxuu Ciyaartooyda ku booriyay in ay soo celiyaan tariikhdii Jubbaland ay caanka ku ahayd isla markana ay koobka keenan Caasimada KMG ah ee Kismaayo.

Isagoo ka hadlayay sida ay uga go’an tahay in Ciyaaraha la hormariyo ayuu Madaxweynahu sheegay in ay sababta ugu weyn ee Kismaayo loogu qaban waayay Ciyaaraha ay tahay in la doonayo in qaab casri ah oo Ciyaaraha waa weyn lagu qaban karo loo habeeyo garoonka kubada Cagta Waamo ee Magaalada Kismaayo isla markana la hormarin doono xirfadaha kala duwan ee Ciyaaraha

Madaxweynahu waxaa kale oo uu balan qaaday in la abaal marin doono Ciyaartooyada Jubbaland isla markana iyaga laga bilaabayo hanaanka shaqo abuurka dhalinyarada oo ay dhawaan meel marinayaan golaha Wasirada Jubbaland.

Xildhibaano Wasiiro iyo masuuliyiin kala duwan oo deegaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland ayaa balan qaaday in si wanaagsan uga qayb qaadan doonaan muuraal siinta Xulka kubada Cagta Jubbaland.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:- Dowladda soomaaliya oo war ka soo saartay khilaafka madaxda galmudug
- May 26, 2018
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay Khilaafka soo gala dhexgalay ...
DHAGEYSO:-Muuse biixi”Dagaalka tukaraq puntland naguma soo qaadin farmaajo ayaa ciidamo ku caawiyay”
- May 26, 2018
Madaxweynaha somaliland ayaa sheegay in ay sheegay in dagaalka tukaraq uu ku dhawaa in ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo Sheegay in lagu tuntay awood qeybsiga beelaha
- May 26, 2018
Kadib markii uu dib ugu laabtay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ...