Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo laga War helay In lagu dhameystirayo Magaalada Muqdisho

wararka ayaa waxa ay sheegayaan in maanta galinka danbe xiliga somalia lagu wadaa Muqdisho in lagu saxiixo dhameystirka heshiiska ay gaareen Ahlusuna iyo Galmudug, iyadoo munaasabada lagu soo bandhigayo heshiiska ay gaareen labada dhinac ay ka dhici doonto Madaxtooyada.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegaya in wali labada dhinac ka wada hadlayaan heshiiska ay gaareen,

waxaana la sheegayaa inuu jiro qodobo aan wali la isku afgaran, balse la filayo in saacadaha soo socda laga heshiiyo.

Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Ahlusuna oo Axadii la soo dhaafay u soo gababoobay wada hadalo uga socday Jabuuti ayaa ku gaaray heshiis horudhac ahaa oo ka dhashay siminaar looga hadlayay xalinta khilaafaadka oo ay soo qaban qaabisay Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda sar sare ayaa la filayaa in ay goobjoog ka noqdaan munaasabada lagu wado in gelinka dambe ee maanta ka dhacdo Madaxtooyada Villa Somalia, isla markaana lagu soo bandhigo qodobada ay ku heshiiyeen Ahlusuna iyo Galmudug.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in hal maamul ku midoobaan, iyadoo qodobada qaar ee lagu heshiiyay ay ku jirto awood qeybsi ay Ahlusuna ku yeelan doono Maamulka Galmudug.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Akhriso:-Xasan Sheekh Maxamuud oo Baaq u diray Madaxda Dowlada Soomaaliya
- Oct 16, 2018
Madaxweynihii hore ee dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxda dowlada talada ...
Shabaab oo weerar ku qaaday magaalada Jowhar
- Oct 16, 2018
Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay weerar kedis ah ku qaadeen ...
DAAWO:-G/Gobolka Banaadir iyo Madaxa UNHCR ee Bariga Afrika oo ka wada hadlay Xal-u-helidda Barakacayaasha
- Oct 16, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ...