Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso Liiska Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada ay saameyn doonto Iskushaandheynta Xukuumadda xasan cali kheyre

Waxa jira xog leh kalsooni weyn oo sheegeysa in isku shaandheyn lagu sameynayo dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo heer gebogebo ah maraysa , sida ay xaqiijiyeen Ilo-xogeed kala duwan waxaa jiri doona isbdel fudud oo lagu sameynayo golaha xukuumadda, iyada oo ujeedku yahay si aysan ugu baahan ansxinta Baarlamaanka, sida uu ogolyahay xeer hoosaadku waa in uu bedeli karo ugu badnaan 25%

Isku Shaandheyntan ayaa waxaa suuragal ah in lagu dhawaaqo iyada oo loo bandhigey ayna aqbaleen qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo Muqdisho uga qeyb galay shirka Amniga Qaranka, iyaga oo kulamo kala gooni-gooni ah la qaatey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha si gaar ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Xogta ku saabsan isku-shaandheynta ayaa waxa ay sheegaysaa in la bedeli doono Wasiiro ay ka mid yihiin:-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dibuheshiinta
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Sidoo kale waxa la buuxinayaa xilalkii ay banneeyeen Wasiiradii is casiley iyo Wasiirkii xilka laga qaadey:-
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortaga Musiibooyinka
Wasiirka

 

Qorshaha Cusub waxa Kamid ah:-
In la kordhiyo tirada Xildhibaanada ku jira Golaha Wasiirada
In la bedelo Wasiirada uu khilaafka dhinaca shaqada ah kala dhexeeyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

In Wasiirada ku guul-dareystay in ay taageero siyaasadeed ka helaan xildhibanaada Beeshooda ay ku bixi doonaan isku shaandheynta Golaha Wasiirada.

In shaxda cusub ay ka tarjunto is faham ay gaareen Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe Sep 2017; si gaar ah maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed) oo si weyn u suluugsan Xubnaha ku metela dowlada dhexe.

In Looga hortago Mooshin la filan karo xiliga ay fasaxa ka soo noqdaan xildhibaanada BFS bartamaha Bisha February 2018.

Ma jiro doonaan xubno ka mid ah mucaaradka muuqda ee dowladda.
Ma jiri doonaan wax isbedel ah oo lagu samayn doono Wasiirada ka soo jeeda beelaha Hawiye marka laga reebo Wasiirka wasaaradda Caafimaadka.

Wasiiro Kuxigeenadda
Waxaa jira isbedel kooban oo lagu samayn doono sida in la kordhiyo tirada Xildhibaanada iyo in la kala wareejiyo Wasiir Ku-xigeenada Khilaafka kala dhexeeyo Wasiirada ay la shaqeeyaan.

Wasiirru dowlayaasha Cusub
Sidoo kale Isbedelka Wasiiru-dowlayaasha waxaa qeyb ka noqon doona in lagu kordhiyo laba Wasiiru-Dowle oo la isku waafaqey in ay noqdaan sidan:-

Wasiirul Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Bii’ada iyo Deegaanka
Wasiirul Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Golayaasha
.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Taliye ducaale cali mire oo muqdisho ku laabtay & qorshe lagu dhabar jabinayo axmed madoobe oo muqdisho ka socda
- Aug 17, 2018
Magaalada muqdisho waxaa dib ugu laabtay ducaale cali mire iyo maxamed ibraahim waa taliye ...
DHAGEYSO:-Xildhibaan Jeesoow Oo Mucaaradka dowladda ku biiray Xilka Fahad Yaasiin muxuu ka yidhi?
- Aug 17, 2018
Waxaa weli hadal heyn Xoogan ka jirtaa Qaabkii Madaxweyne Farmaajo Saaka Isbadelka ugu sameeyey ...
DHAGEYSO:-Maxay ka dhigan tahay is badalka dhanka saraakiisha ciidanka ee madaxweyne farmaajo sameeyay
- Aug 17, 2018
Digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa isbadal ...