Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO+SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo “Waxaa Naga Go’an Inaan Ku Xisaabtanno Wixii Aan Ku Heshiinno”

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleystay fulinta qorsheyaashii lix biloodlaha ahaa ee ay higsaneysay muddadii koobnayd ee ay jirtay.

“Siddeed bilood ka hor, markii aan Xafiiska qabannay waxaan qorsheynay hiigsi lix biloodle ah oo ku aaddan sidii aan u yagleeli lahayn hannaan isbadel oo ku dhisan daah-furnaan, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta ammaanka iyo xakamaynta musuq-maasuqa. Si taas loo gaaro waxaan guda galnay diyaarinta sharciyadii nagu hagi lahaa arrinkaas oo ilaa haatan waxaan u gudbinnay Baarlamaanka sharciyo gaaraya 15 Sharci, halka Toban kalena ay qabyo yihiin,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaas ku daray in sharciyada la horgeeyey Baarlamaanka ay asaas u yihiin tiirarka dowlanimada maadama ay ku saabsan yihiin dhinacyo muhiim u ah nolasha shacabka sida Sharciga Isgaarsiinta, Shaciga la-dagaalanka Musuq-maasuqa, Sharciga la-dagaallanka argagixisada iyo Sharciga maamulka Lacagta Dowladda.

Sidoo kale, Mudane Farmaajo wuxuu xusay in Dowladdu ay ku guuleystay dhaqaajinta qorshayaasha dib u eegista dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka sannadka 2020-ka oo ah qorsheyaal u baahan xasillooni siyaasadeed oo ka jirta dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha DF wuxuu ku boggaadiyay Beesha Caalamka iyo Qurba-joogta Soomaaliyeed kaalinta ay ka Qaadanayaan Qorsheyaasha horumarineed ee dalka.

“Waxaan dareensan-nahay in saaxiibadeenna caalamka aan waydiisanayno in ay khatarta qaataan oo ay Somalia maalgashadaan. Balse si taas lamid ah waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno,” ayuu khudbaddiisa ku xusay.

Ugu dameyn, Shirka Muqdisho oo soconayey muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu falanqeeyey hirgelinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, sidii Ciidamada Dowladda Somalia ay ugala wareegi lahayd amniga dalka Ciidamada Afrika ee Somalia AMISOM, xoojinta hannaanka Federaalka, doorashooyinka sanadka 2020, kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO SAWIRADA:-Xildhibaano iyo Siyaasiyiinta mucaaradka oo la kulmay Hey’adda Culimada Soomaaliyeed
- Dec 11, 2017
Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kulan ku la yeeshay  magaalada Muqdisho Hey’adda Culimada Soomaaliyeed, ...
DHAGEYSO:-udoomiye Cali Gacal oo ka hadlay Go’aanka Xildhibaanada ee heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna
- Dec 11, 2017
Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay in ay jiraan xildhibaano ka tirsan Maamulka ...
MUUQAAL:-Gudoomiye Jawaari ayaa dowalada Mareykanka ugu baaqay ineey ka laabato go”aadkeeda Qudus
- Dec 11, 2017
    https://www.youtube.com/watch?v=H228z8UHMvk