Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xulka Kubbada Cagta Puntland oo u Ambabaxay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Garowe ka ambabaxay Xulka Kubbada Cagta Puntland oo tartanka Dowlad goboleedyada uga qeyb galaya magaalada Muqdisho.

Xulka Kubbada Cagta Puntland ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garowe ku sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Cayaaraha Puntland, maamulka Gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

Tartanka Kubbadda Cagta ee Dowlad goboleedyada ayaa qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, balse waxaa dhawaan la shaaciyay in Muqdisho loo wareejiyay, kadib markii kulan ay Kismaayo ku yeesheen Wasiirada Ciyaaraha Dowlad goboleedyada ay isku raaceen in tartankaan lagu qabto Muqdisho.

Xulka Kubbada Cagta Puntland ayaa difaacanaya tartanka Dowlad goboleedyada oo sanadkii hore ka dhacay Muqdisho, kadib markii ciyaartii kama danbeysta ay ka badiyeen xulka Kubbada Cagta Jubbaland.

Sidoo Xulka Kubbada Cagta Puntland ayaa sanadkii hore ka yaabiyay mucaashaqiinta Kubadda Cagta Soomaaliyeed kadib markii ay soo bandhigeen ciyaaaro la la dhacay, balse waxay noqdeen Halyeeyadii la hilmaamay markii ay waayeen Garoomo wanaagsan iyo taramo ay ku loolamaan, kadib markii Puntland ka gaabisay hormarinta Garoomada kubadda Cagta Puntland oo ay ka muuqdaan dayac aad u baahsan, iyadoo in badana ay cabasho ka muujiyeen bahda cayaaraha Puntland.

Fuuritaanka tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada ayaa la qorsheeyay 14-ka bishan December, waxaana ka qeyb galaya Shanta Dowlad goboleed iyo Koox mataleysa Muqdisho.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Hoolka Sayidka ee Jigjiga oo Xafladdii Ugu Waynayd ee ONLF lagu Qabtay
- Nov 21, 2018
Hoggaanka ONLF Iyo Saraakiisha iyo Ciidamada ONLF ee ku sugan Asmara diyaarado looga soo ...
MUUQAAL:-Magaaladda Cadaado Ee Xarunta Baarlamaanka Galmudug oo laga dareemayo Kobac Dhanka waxbarashada ah
- Nov 21, 2018
https://www.youtube.com/watch?v=ZM6jqRNNE0o
DHAGEYSO:-Maxkamadda Ciidamadda Qalbka sida qeybta 60 aad oo xukun dil ah ku riday askari ka tirsanaa ciidanka K/galbeed
- Nov 21, 2018
Maxkamadda Ciidamadda Qalbka sida qeybta 60 aad ayaa xukun dil ah ku riday askari ...