Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRADA:-Ra’iisul Wasaare Khayre “Haweenka Soomaaliyeed waa inay hormuud u noqdaan xoreynta dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynta kooxaha Argagixisada, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

“Haweenku waxay leeyihiin taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan xoreynta dalka, ma aqbali karno in shabaab maalin walba uu dilo dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waa inaan kuligeen u istaagnaa difaaca qaranka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay haweenka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

“Go’aanka in 30% kuraasta xildhibaannada Baarlamaanka loo qoondeeyo haweenku waa tillaabo dhaxalgal ah oo loo qaaday dhanka wanaajinta doorka dumarku ugu qayb-qaadanayaan gaarista go’aamada muhiimka u ah dalka. Hadda wixii ka dambeeyana waxaan ka shaqeyn doonaa in dumarku ay helaan fursado ka badan kuwii hore” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney garab istaagaan ciidamadda, si meesha looga saaro dhibaatada ay dalka iyo dadka ku hayso argagixisadu.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamadda qalabka sida, kana qeyb qaadanayaan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. c/qani says:

    WAA XAQDARO SOOMAALIYA (XAASASKOODII IN MADAXDA IYO CARUURTOODII?? QURBADA DAJIYEEN?? R/WAARAHA LAFTIISUNA? TAANGI AAN XABADU KARRIN? MUQDISHO KUDHEXSOCDO?? HABEENKIINA DHEXSEEXDO??

    #HADANA HOOYOOYIN DUQOOBAY OO 70- TODOBAATAN JIRRO AH YIRAAHDO “MARNA II CIYAARA?? MARNA II HEESA?? MARNA II DAGAALAMA?? MARNA LACAG?? II SOO URUURIYA?? MARNA (AMISOM) LA SOO SHIRRA??

    *WAA XUKUN YAAB LEH XUKUNKA R/WASAARE KHAYRE?? WAA BOQOR AAN HORAY LOO ARRAG BOQOR! KA XUKUN XUNN??

    DUMARKA IN LA GUMAYSTO ALLAAH OOMA ABUURIN? EE WAAD DAD SHARAF IYO XURMO MUDAN??

  2. c/qani says:

    SIXID”
    WAA XAQDARRO IN MADAXDA SOOMAALIYA AY (XAASASKOODII IYO CARUURTOODII) AY QURBADA DAJIYEEN AMA KUNOOLYIHIIN? DUMARKA DALKA JOOGANA AXMAARO DIFAACA KUYIRAAHDAAN?




ad

Latest News

MUUQAAL:-xildhiban cali xoosh oo ka warbixiyey go’aanka barlanaanka dhibista qalbi dhagax
- Nov 18, 2017
    https://www.youtube.com/watch?v=hSxNQSu0w9Y
MUUQAAL:-Xidhiban Odawaa ayaa sheegay in dhiibista Qalbi dhagax ay lamid tahay dhiibista qaranka oo dhan
- Nov 18, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=OuHACMd7DYA  
MUUQAAL:-Wasiirka madaxtooyada somaliland oo war culus ku dhawaaqay
- Nov 18, 2017
  https://www.youtube.com/watch?v=7JrTeZ6kL9E