Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta Ansixiyay Sharciga La Dagaalanka Musuqmaasuqa

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta meel mariyay Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga madax banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa, kaasoo horay u soo jeedisay Xukuumadda.

Dhismaha Guddigan ayaa gacan ka geysan doona la dagaalanka musuq maasuqa oo ah waxyaabaha ugu weyn ee ragaadiyay dowladda, isla markaana horay u jireen Kiisas musuq maasuq ay ku lug yeesheen Mas’uuliyiin, kuwaasoo aan maxkamad la soo taagin.

Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo diyaarisay Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa, iyadoo hadii la dhiso Guddiga uu ka mid noqonayo Guddiyada madaxa banaan.

Sharcigan oo muddo ay ka doodeen Xildhibaanada ayaa waxaa ugu dambeyn maanta loo qaaday cod, iyadoo ay ansixiyeen illaa 141 Mudane, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay.

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa goor sii horeysay ansixiyay Miisaaniyadda Xukuumaddii Cumar C/rashiid ee sanadihii 2015/2016, waxaana ogolaatay 141 mudane, 12 xildhibaan ayaa diiday, halka 3 ka aamustay.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Proff Yaxye Caamir oo ka badbaaday qarax loogu xirey gaarigiisa
- Sep 22, 2018
Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan gaari waxyaalaha qarxa lagu xirey ...
DHAGEYSO:-Xildhibaanada Golaha Shacabka oo hadlay Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho
- Sep 22, 2018
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulanka 5-aad ...
DAAWO SAWIRRO:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Iyo Wafdi Baaladhan uu Hogaaminayo oo Magaalada Boosaaso Lagu Soo Dhaweeyay
- Sep 22, 2018
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 ...