Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRADA:-Dad Shacab Ah Oo Lagu Dilay Duqayn Ka Dhacday Gobolka Shabeelada Hoose

Dad shacab ah ayaa ku dhintay duqeyn Diyaarad Drone ah,  ay ka fulisay deegaan ka tirsan Gobolka Shabellaha, waxaana halkaasi ku dhintay dad beeraley ah.

Ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday duqeyntaas oo beeraleey ah, kuwaasi oo ku sugnaa Beertooda xilliga duqeynta ay dhaceysay.

Deegaan dhanka Koonfur Bari kaga beegan Daaru Salaam Gobolka Shabellaha hoose, ayaa laga soo qaaday maydadkaan, waxaana Sawiro ay soo qaadeen Shabaab ay muujinayeen maydadka saddexda ruux ee duqeynta ku dhintay.

Maalmahan dambe duqeynta lala eeganaayo Magaalooyinka Shabaab ay maamulaan ayaa korodhay, iyadoo duqeymaha qaar dhibaatooyin ay ka soo gaaraan dadka shacabka ah.

Ehelada Dadkaan duqeynta lagu dilay ayaa sheegay xilliga duqeynta ay dhaceysay saddexdaan ruux inay ku mashquulsanaayeen Waraabinta beer ku taalla deegaanka Daaru Salaam.

Daaru Salaam, ayaa waxa ay ku taalla Gobolka Shabellaha hoose, waxaana ay ka mid tahay deeganada ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Puntland boy says:

    Mediaha Somalida waxaa moodaa ineey la shaqeeyaan Afduubka. Shabaab waa jabhad hubeeysan oo dhar shacab wadata Hadii larabo in la laayo waa in deeganada lagu tuhmayo Dad shacaba hadii aay joogaan ka fogaadaan

  2. Mahad says:

    Waa mooryaantii beeraha islaameed xoogga ku heysatay oo maalinkiina beeraley noqda habeenkiina shabaab noqda markii ay dhintaan oo la dilana shacab noqda, meediyahaana waa dameeri dhaan raacday waxay ka hadlayaan aan aqoon u lahayn oo wararka Calasoow iyo caasimada sii faafiya haba ugu darnaadeen kuwa mareexaan haday tirtiri koley qoraalkeyga runta raggu ma jecla waa nasiibkiin.




ad

Latest News

MUUQAAL:-xildhiban cali xoosh oo ka warbixiyey go’aanka barlanaanka dhibista qalbi dhagax
- Nov 18, 2017
    https://www.youtube.com/watch?v=hSxNQSu0w9Y
MUUQAAL:-Xidhiban Odawaa ayaa sheegay in dhiibista Qalbi dhagax ay lamid tahay dhiibista qaranka oo dhan
- Nov 18, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=OuHACMd7DYA  
MUUQAAL:-Wasiirka madaxtooyada somaliland oo war culus ku dhawaaqay
- Nov 18, 2017
  https://www.youtube.com/watch?v=7JrTeZ6kL9E