Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AKHRISO:-Puntland oo dhaqdhaqaayo ciidan ka wada deegaano ka tirsan gobalka Sanaag

Wararka aan ka helayno Degmada Hadaaftimo oo ka tirasan gobalka sanaag waxay sheegayaan in halkaas ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya Puntland Iyo Maamulka Soomaliland .

Qaar kamid ah dadka deegankasi ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ay soo wajahday Cabsi weyn oo laga qabo dagaal toos ah oo ka dhex qarxa labada dhinac, gaar ahaana dhaqdhaqaaqyada hadda ka socda gobalka Sanaag oo ay suuragal tahay in ay dagaal isku bedelaan.

Ciidamo ka tirsan Maamulka gobalada woqooyi ee Soomaaliland ayaa doonaya inay Sanaadiiqda Doorashadda ay u soo hogaamiyaan, meel 30-KM u jirta degmada Badhan ee gobolka Sanaag sida sida dadka deegaanku u sheegeen warbaahinta

Dhinaca kale wafti uu hogamainayo Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdullaahi Axmed Dawlad, ayaa gaaray degmada Badhan oo ka tirasan gobalka sanaag si ay uga hortagaan Sanadiiqada Doorashada ee Maamulka soomaliland.

Puntland iyo Soomaliland ayaa warbahainta isku marinaya hanjabaado kala duwan Illaa iyo hadda lama saadaalin karo halka ay saldhigan doonto xaaladan, waxaana ay xaaladu maraysaa Somaliland oo doonaysa inay sanaadiiq Doorasho keento Sool, Sanaag iyo Cayn iyo Puntland oo Difaac kaga jirta.

Si kastaba ha ahaate, arrimahan ayaa kuso beegmaya xilli maalinta bari gobolada Somaliland looga dareeri doono codeynta Doorashadda madaxtinimada Somaliland.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO SAWIRADA:-Madaxweynaha soomaaliya oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee Caabudwaaq
- Jan 23, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay ...
VIDEO:-Faarax Sheekh C/qaadir oo si durugsan uga hadlay geedi Socodka Dowladnimada iyo Siyaasadda Soomaaliya
- Jan 23, 2018
  https://www.youtube.com/watch?v=iWspR6EGLGQ
DHAGEYSO+SAWIRRO:-Ciidamada Kenya oo Qarxiyay Xaruntii Shirkada Hormuud ee Degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo
- Jan 22, 2018
Wararka ka imanaya Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa ...