Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qaramada Midoobay Oo Eedayn Culus Ujeedisay Ciidamada Kenya Soomaaliya Ka Jooga

Kooxda dabagalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya ee ku jira hawlgalka Amisom in ay lacag ka qaataan dhuxusha laga dhoofiyo dekadaha Gobolka Jubada hoose ee Soomaaliya.

Ciidamada ayaa lagu dhaliilayaa in ay ka hortagi waayeen in Al-shabaab ay lacag ka sameyso dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo ay horay u mamnuucday Qaramada Midoobay, taas beddelkeedana ay lacag ku leeyihiin dhuxusha la dhoofiyo.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay Jawaankii dhuxul ah ee ka dhoofaya Dekadaha Kismaayo iyo Buurgaabo ee Jubbada hoose ay ku leeyihiin $2 Doollar,taas oo marka la isku daro Ciidanka Kenya ay ka helaan lacago fara badan.

Sidoo kale Warbixinta waxaa ay xustay in Al-shabaab ay $10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ay  sanadkiiba ka helaan dhuxusha laga dhoofiyo Gobolka Jubbada hoose ee ay iyaga ku sugan yihiin.

Waxa kale oo ay Guddigu sheegeen in ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbada hoose ay xubnaha Guddiga Qaramada Midoobay u diideen inay baaritaan ka sameeyaan dakadaha Buurgaabo iyo Kismaayo,si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqa dhoofka dhuxusha Soomaaliya ee inta badan loo dhoofiyo Waddamada Carabta.

Qaramada Midoobey ayaa 5 sano ka hor mamnuucday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya waxaana joojinteeda u xil saaray Ciidamada Amisom oo inta badan jooga koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya,waxaase warbixintu sheegeysaa in Ciidanka Amisom iyo dowlad Goboleedyada qaar ay macaash ka sameeyaan dhuxusha halkii ay ahayd in ay dhoofinteeda ka hortagaan.

Warbixinta Kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay ayey ku sheegeen in Al-shabaab ay hub iyo Gaadiid culus ka qaateen Saldhiggii Ciidanka Kenya ee deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada hoose, halkaas oo hubkii laga qaaday sida ay sheegaan dhowr jeer loo adeegsaday Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Gobollada qaar.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO SAWIRADA:-Madaxweynaha soomaaliya oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee Caabudwaaq
- Jan 23, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay ...
VIDEO:-Faarax Sheekh C/qaadir oo si durugsan uga hadlay geedi Socodka Dowladnimada iyo Siyaasadda Soomaaliya
- Jan 23, 2018
  https://www.youtube.com/watch?v=iWspR6EGLGQ
DHAGEYSO+SAWIRRO:-Ciidamada Kenya oo Qarxiyay Xaruntii Shirkada Hormuud ee Degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo
- Jan 22, 2018
Wararka ka imanaya Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa ...