Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ammaanka Magaalada Muqdisho Oo Aad Loo Adkeeyay iyo Wasaaradda Amniga Oo Ka Hadashay Sababta

Wasaaradda amniga Somaliya ayaa sheegtay in si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo laga duulayo ka hortagga weeraro Shabaab ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Somaliya C/casiis Cali Ibraahin, ayaa sheegay ciidamada ammaanka inay kordhiyeen hawlgalada ay ku xaqiijinayaan ammaanka Magaalada Muqdisho, sidoo kalena lagu hubinaayo gaadiidka Magaalada.

Wuxuu sheegay qorshaha adkeynta ammaanka Muqdisho inuu salka ku haayo si looga hortago weeraro Shabaab ay la eegtaan goobaha ganacsiga ee Magaalada gudaheeda ku yaallo.

Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa ka taagan ciriiri xoogan oo ku aadan in gaadiidka si wayn loo baaro, waxaana sidoo kale jirta in Koontaroolo badan Magaalada gudaheeda ay dhex yaalaan.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa sheegay shacabka Somaliyed in laga doonaayo Wasaaradda amniga inay ku soo wargeliyaan dadka ay ku arkaan iyaga oo ku guda jira falal ka dhan ah ammaanka.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Xildhibaanada Golaha Shacabka oo hadlay Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho
- Sep 22, 2018
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulanka ...
DAAWO SAWIRRO:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Iyo Wafdi Baaladhan uu Hogaaminayo oo Magaalada Boosaaso Lagu Soo Dhaweeyay
- Sep 22, 2018
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 ...
Akhriso:-Madaxweyne Xaaf oo Wafdigii Aqalka Sare u gudbiyey Warqad Cabasho ah
- Sep 22, 2018
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta waxa uu kulan sagootin ...