Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dawladda Mareykanka Oo Codsatey In Ciidamada Amisom Aanay Ka Bixin Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ka codsatay in ay baaqi ku sii ahaadaan Somaliya isaga oo ballan qaaday bixinta taageerada Amisom ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in argagixisanimada Soomaaliya ay sii kordhi karto haddii ay baxaan Ciidamada Amisom iyada oo weerarrada Al-Shabaab ee Soomaaliya ay kordheen bilihii la soo dhaafay.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in 1,000 askari oo ah qaybta 2-aad ay ka baxaan Soomaaliya bisha May ee soo socota,iyada oo sababta ugu badan ay tahay dhaqaalaha.

Amisom, waxa ay dalbatay 8,000 oo askari oo dheeraad ah taas oo tirada ciidanka Amisom ka dhigaysa 29,000 oo Askari,waxaana ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaan dhulka ay maamulaan Al-shabaab,laakiin dowladaha ciidamada ku yaboohay Soomaaliya kama jawaabin dalabkaas.

Wohlers Marion,oo ah Sarkaalka Xafiiska arrimaha dibadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u sheegay Wargeyska The East African in Mareykanka uusan rumeysneyn in ciidamada Amisom qaybta ugu horeysa ay Soomaaliya ka baxayaan Bisha soo socota,waxaase uu beddelkeedu sheegay in Mareykanka uu diyaar la yahay taageerada tababarrada,qalabeynta,farsamada iyo latalinta dhinaca amaanka ah si loo xoojiyo Ciidamada Soomaaliya.

“Ma taageerayno in ciidamada Amisom ay baxaan hadda,iyada oo xaaladda amni xumada Soomaaliya ay sii kordhayso, waxaan dooneynaa in la taageero Ciidamada Soomaaliya illaa ay awood uga yeeshaan la wareegidda ammaanka dalkooda.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wohlers Marion.

Sida ku xusan jaantuska Golaha ammaanka ee bixitaanka Ciidamada Amisom, waxa ay 1,000 ugu horreeya bixi doonaan Bisha soo socota,waxaa raaci doona 1,000 kale oo baxaya Bisha May ee 2018,waxaana ay dhamaan doonaan Sanadka 2020ka

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Taliska maraykanka ee Afrika oo sheegay iney duqeyn ku dileen 62-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab
- Dec 17, 2018
Taliska Mareynkanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen 16-kii bishan ...
MUUQAAL:-C/raxmaan C/shakuur “Waxaa la is hor-taagay baroor diiqdii Xisbiga Wadajir ku xusi lahaa dadkii lagu laayay weerarkii 17 December”
- Dec 17, 2018
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay tallaabadii maanta Ciidamada ammaanka ay ku hor-istaageen in ...
DHAGEYSO:-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka War Bixiyey Kulankii Ay La Yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi
- Dec 17, 2018
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka ...